Kuxigeenka hogaamiyaha Daacish oo la sheegay in la dilay

150821221417_us_fighter_jet_640x360_reuters_nocredit

Us(SLPost)-Mareykanka ayaa waxa uu sheegayaa in la dilay ku xigeenka hogaamiyaha Daacish, kaas oo ku dhintay howlgal ka dhacay Ciraaq.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Fadhil Axmed Al-Xayali uu ku dhintay howlgal ay militariga Mareykanka ku qaadeen ciraaq.

Ciidamadan ayaa duqeeyay kolonyo gaadiid ah oo ku safrayay meel ku dhow waqooyiga magaalada Mosul.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in ninkaasi uu masuul ka ahaa hubka iyo walxaha qarxa ee la isaga gudbiyo Ciraaq iyo Suuriya.

Mareykanka waxa uu sheegayaa in geerida ninkaasi ay saameyn iyo dhaawac weyn ku tahay howlaha Daacish.