Kuuriyada Waqooyi Oo Sheegay Inay Tijaabisay Nukliyeerka Bomb Haydrogen Ah

 

Hargeysa(SLpost)-Dalka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in uu markii ugu horaysay ku guulaysatay in uu tijaabiyo hub nukliyeerka haydrogen.

Hadalka ayaa laga sheegay Telefishinka, saacado kadib matkii la dareemay gariir cabirkiisu yahay 5.1agagaarka meel lagu tijaabiyo nukliyeerka.

Laakiin wasiir ku xigeenka difaaca ee Koonfurta Korea ayaa sheegay inay adagtahay in la aamino in bomka uu ahaa Haydrogen Bomb.

Hubka Nukliyeerka ee Haydrogen, ayaa ka casrisan midka bamka ee Plutoniumka ee ay isticmaashay Waqooyiga Korea tijaabadii hore.