Kuuriyada Waqooyi Oo Ka Noqotay Casuumad Ay Hore Ugu Fidisay Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay

Pyongyang, (SLpost)-  Dawladda waqooyiga Kuuriya ayaa ka noqotay casuumad ay hore ugu fidisay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon.Kuuriya BAN

Ban Ki-moon ayaa sheegay inaan wax sharraxaad ah laga bixin sababta loo baajiyey booqashadii uu dalkaasi ku tagi lahaa isagoo go’aankaasi ku tilmaamay inuu soo baxay shalay.

Ban Ki-moon ayaa sidoo kale qorsheynayey inuu berri oo Khamiis ah uu booqdo warshadda la yidhaahdo Park, taasoo ku taalla deegaanka milateriga ka caagan ee kala qaybiya labadda Kuuriya.

Madaxii ugu dambeeyey ee sare ee ka tirsan madaxda hay’addaha caalamiga ah ee booqda dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa xoghayihii hore ee qaramada midoobay Buris Buris Qaali oo booqday sannadkii 1993-dii xilligaasoo uu ka gudbay deegaanka milateriga ka caagan ee kala qaybiya labadda Kuuriya.

Somalilandpost.net