Kuuriyada Aqooyi Oo Ciidankeedu Dagaal Diyaar U Yihiin

 

W.Kuuriya(SLpost)-Madaxweynaha dalka Kuuriyadda waqooyi Kim Jong Aan ayaa amar ku bixiyay in ciidamada dalkaasi ay dagaal u diyaar garoobaan saacado kadib markii ciidamada labada Kuuriya ay xaduuda u dhaxaysa ganataalo isku dhafsadeen.

kim_3

Wakaaladda wararka ee dalka Kuuriyadda waqooyi ee KCNA ayaa ku waramaysa in M/weyn Aan oo shir gudoomiyay shir ay yeesheen guddiga amniga qaranka dalkiisa ayuu ku amray in ciidamada ay dagaal isku diyaarshaan waxaana sidoo kale saaray amar ah in ciidamada keydka ah deg deg loo geeyo xaduuda ay la wadaagaan Kuuriyadda koofureed.

Xaaladda gobolka ayaa aad u kacsan waxaana shalay jirtay in ciidamada labada dal ay gantaalo isku rideen inkastoo aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Wasaaradda difaaca Kuuriyadda Koofureed ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inaysan wax wal wal ah ka qabin weerar dariskooda kaga yimaada.