Kun Tallaabo Waxay Ka Bilaabmaan Hal Tallaabo

Bimillah salan kadib manta waxan qalinka u qaatey in aan ka hadlo maareynta waqtiga maadaama oo uu yahay shayga ugu muhiimsan ee aynu haysano lakinse dad badani qiimihiisa ayna fahmsaneyn se qofku uu garto marka uu waayo waqtigii firaaqada ahaa ee uu ku ciyaaray . odeybaa laga hayaa ‘ hoogeygee miyey shabaabnimadii soo noqoto aan uga warramo waxay cirradu i bartaye’ waqtigu waxa uu ka bilaabmaa ilbidhiqsiyo laysu geegeeyey ayaa noqda waqti iyo cimrigaagoo dhanba waa ilbidhiqsi,daqiiqad,saacad,galin,maalin,week,bil,sanad ..illaa sannado , oo waqti waa socodka cimrigaaga oo usii hoganaya bartii dhamaadka ee ilaahay u qoondeeyey ‘billions of miles starts with one step’

Dad badan oo farxa ayad arkaysaa marka uu sanadku dhamaado oo isu diraaya tahniyadihii dhamadka sanadka oo wada faraxssan se waxa hubaal ah in sanadkan tagay uu ka go,anyahay cimrigigaaga tusaale ahaan hadii ilaahay kuu qoondeeyey 70yrs 70-1= 69yrs ayaa kaaga hadhay macaan gooyaha imaatinkiisii … sidaa awgeed waqtigu waa cimrigaagii ilbidhiqsi kastoo ku dhaafaana waxay ka go,antahay cimrigaaga oo waxad usii dhowaanaysaa halkii loo badnaa .

Hadaba waqtigu hadii uu ahmiyadda intaa le,eg leeyahay side loogu guuleysan karaa maareyntiisa iyo ka digtoonaanta waxyaalaha lumiya

Maareynta waqtiga iyo wanaajintiisa (time management):

1: ku dheganaanta cibaadada(committment of worshiping) : tani waa ta u muhiimsan .. , jidhku siduu ugu baahanyahay nafaqeyn iyo daryeel ayey ruuxduna ugu baahantahay nafaqeyn cuntadeeduna waa camal wangan ‘ diraaso ay sameeyeyn madaxda wasaarada waxbarashada ee Somaliland sannadkan ayaa la ogaadey in ardeyba ardeyguu diinta uga dhowyahay in uu diraasadda maadiga ahna kaga fiicnayhay .. waayo ?…. ibni aadamku waa daciif magarankaraayo meeshii u fiican iyo meesha u xunba .. markastoo uu ilaahay xidhiidhkiisa ilaaliyana ilaahay wuu ilaalinayaa oo isagaa arrinkiisa isugu toosniayaaya       

2: qorshe(plan) : qorshayntu waay ka qayb tahay mareynta waqtiga . … qof aan qorshe lahayni waa doon bilaa naakhuude ah….. tusale ahan habeenkii markad seexanyso ha seexan illaa aad dejiso qorshahaad berri aad ku dhdaqaaqi lahayd .

3: kala qaybinta waqtiga(time division tactics):u xadee oo sii mihnad kasta waqtiga ay mudantahay ..

4: jadwal waqti(time table): tani waa hab fudud oo loo maamulo waqtiga , tusaale ahaan waxaad jadwalaynaysaa waqtiga aad seexanayso,cunayso,shaqaynayso,baranayso,booqnayso,sheekeynyso jadwalku waxu ka cawin karaa habsami socodka tolmoon ee waqtigaaga .

5: lexejeclaynta waqtiga (valuability of time): daba joogteynta iyo xisaabinta waqtigu ,sidoo kale isku canaanashada lumistiisu waxay dardar galisaa qiimeynta waqtiga . tusaale ahaan hadii shan saacadood (5hrs) aad ku qaadatid shaah cab iyo sheeko iwm ood isku canaanatid kadib aad go,aan ku gaadhid in aanay dib u dhici doonin waad lexejeclaytey waqtigiiye lasoco

6: xidhiidhka wangsan (positive R/ship): xidhiidhka aad kula saaxiibto qof kaa wangsan waa horumar iyo wanaag aad gaadhay maxaa yeelay sxpka wangsan waa kii rasuul csw lahaa waa sidii qof sida cadar oo kale . oo ama wuu ku siin ama ur udgoon ayaad ka heli saaxiibka xumina waa sidii bir tume oo in uu maryaha kaa gubo iyo in aad ur la karho ka hesho .

Sidaa awgeed qof hanuunsan oo waqtigiisu u nidaamsanyey maarkaad la saaxiibto wuxu kuu jiidi dhinaca wanaaga iyo waqtigoo aad si wanaagsan uga faaiideysatid .

N.B:

waxyaalaha lumiyaana waa waxyaalaha kasoo horjeeda intaas aynu soo sheegnay (VICE VERSA)

 ABDIRISAK SUGULLE SAID

KAMPALA, UGANDA

Facebook: abdirisak579@hotmail.com