KUMAA QALDAN!? – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi Wirdaani

Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Maalintu waa khamiis 14-maaris, markii aan soo raacay bas ka imanayey suuqa hoose ee magaalada hargeysa, meel dhexe ayaan ka fadhiistey, sida ay caadadu tahay waxa la sugaa intuu basku buuxsamayo, baskii wuu buuxsamey wuxuuna bilaabay inuu dhaqaaqo, dadka caado waxa u ah markey meel iskugu yimaadaan sheekooyin ayaa dhex mara, hadaba dadkii basaka ila fuushanaa sheekadana ayaa dhex martey.
Basku wuu camiranyahay, sheekadda dadku hayaana waxaad moodaa inay cid diidanyihiin, gabadh aan markaa ku qiyaasey 40jir ayaa si cadho ka muuqato u eedeysay dowlada, dadkii baska fuushanaa ayaa bilaabey iney lafo guraan sheekada gabagdhu keentey, ogsoonow baska dhalinyaro ayaa ubadneyd, qaar ka mid ah ayaa si caadifadi ka muuqato ugu raacey gabadhii, dhaleceynta dawlada loo jeedinayaa mayara, dooduna dhinac ayey ujanjeedhaa, in diidani way jirta lakiin goobta kuma badana, cabashadii gabadhu keentay meesha waxay aheyd mid ay ka sinaayeen bahdii baska fuushaneyd, waxay rabeen waxay dooneyeen oo aaney helin, mana dareensana iney ku qaldameen doorashadoodi maankan kuma hayaan qaladkey galeen.
Iyadoo arinku halkaas mareyo baskan dooda adagi ka taagantahay ayaan aniguna gaarkey u mashquuley waxaan maankeyga ku soo dhacadeya dadku sidey ahaayen 28-nov-2012 oo ahayd maalintii doorashad goleyaasha deeganka somaliland, ana waxaan ahaa mid ka mid ah muraaqibintii ka howl galeysey goobaha doorashada ee magaalad hargeysa , waan soo kalahay si aan shaqadeyda u bilaabo waxaanan imid goobtii aan ku qornaa oo ahayd khariyada magalada hargeysa, waxan goobta ugu imid dadki oo iga soo horeyey waxan isweydiiyey dadkani ma xaley ayey meesha udhaxeen, dabeedna gabadh ayaan su’aaley goormaad goobta timid? waxay ay igu jawaabtey xaley afartii ayaan safka galey, anoo yaaban ayaan ka dhaqaaqey goobtiban gudah u galey, codeyntii ayaa bilaabantey dadku wey faro badanaayen goobtuna mashquulbey aheyd min toddobadii subaxnimo ilaaa lixdii galabnimo, intey shaqadu socotey dhaayahaygu may qaban qof musharax ku dooraneya wax qabad iyo howl karnimo taa waxaa ka darneyd waayeelka ayaaba sitey kaadh uu ku xardhanaayeen musharaxa adeerka u ahaa, ismaney waydiineyn ahmiyada ay uleedahay codeyntu mustaqbalkooda.
Akhriste adba waad garan ka qaldan, kumey dooran waxqabad,kumey dooran daacadnimo, howlkarnimo cadaalad iyo sinaan lakiin waxay ku doorteen qabyaalad lixdankii laga gabyey oo la sheegay xumaanteeda , abwaan c/laahi suldaan. Timacadena lahaa (dugsi maleh qabyaaladi waxey dumiso mooyaane) iyagaana u gartey iney qaloociyaan, takasii darani waxa weeyi iyagoon maantana garaneyn in arinku gacmahooga ka maroorsamey, isna weydiinayn kuwa danbe sidaynu u hagaajinaa.

Ogsoonaw ka qaldamey waa adi, hadana manta leh muxuu hebel sidaa usameeyey, miyaanad ogeyn inuu arinkuba ku xidhnaa qalinkii aad ku calaamadisay, laakiin Malaga yaabaa inaad bari ku dhacdo qaldkii aad shalay ku dhacday, alle kaama yeele, muwaadin tani wey ku dhaaftey ee ta soo socota ka fikir, dariiqa wacana rabi ha’ina garansiiyo, waxaan kugu dhaafi qaladku wuu dhacaa laakiin waxa haboon inaad garatid qaladkaad gashay, si aad ka danbe usaxdid insha allaah.

Wirdaani@yahoo.com
Alpha university
Hargeisa somaliland