Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale ~ Qormada 2aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Xisbiyadii lixdannadii jiray, Shirweynayaal ayaa jiray. Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed ayaa jiray. Xil iyo awoodba waa la qaybsan jiray. Xilalkii beryahaa jiray ee aawanaa mid ka mid ah oo halbowle ahaa, ayaa ahaa Khasnajiga (Treasurer). Wuxu mas’uul ka ahaan jiray in uu qaadhaanka xisbiga soo guro isla markaana maaliyadda xisbiga maamulo. Goor xilkaa araggiisa iyo maqalkiisa inoogu danbeysay garan meynno.

  • Waa mid ka mid ah sababaha xisbiyadeennu u taanaadi waayeen ee ay u tis-qaadi waayeen,
  • Waa mid ka mid ah sababaha ay xisbiyadeennu dimuqraadiyadda uga arradan yihiin, saboolkana uga yihiin,
  • Waa mid ka mid ah sababaha ay dadkeennu u yeelan waayeen xisbiyada maanta jira, halka ay SNM iyo xisbiyadii lixadannadii ka lahaan jireen ee uu shacbigu uga talin jiray,
  • Waa mid ka mid ah sababaha wax walba loo weydiisto Guddoomiyaha ee aanay cid kasta oo kaleba macno u samaynayn: Haan aan gunta ka tollayn,

Lixdannadii qabyaaladdu macno caynkaas ah ma lahayn. Xataa in ay qolannimadu hayb noqoto ayaa laga dagaallami jiray. Xisbiyada qof qof ayaa loo geli jiray ee qabiil qabiil looma geli jirin sida immika dhacda ee sida badheedhka ah loo odhanayo: “Haddii aanu reer hebel nahay.” Subxaan waa Qaaddir. Mushkiladduna dadka kama imanayso ee waa xisbiyada oo aan waxba sugi karayn oo diihaalka la sahaya. Maanta xisbi samayso isla sannadkanna Madaxweyne noqo. Xaggee laga dheelaa. Dab liqa ayaanu nidhi, waa halkii Hadraawi e’.

Sow tii uu Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ lahaa:

 “Qoloqoladan loo degay,

 Kama dhalan dadweynaha,

 Ragga dacarta huriyaa,

 Waa kooxo duumo ah,

 Daaddihiyayaashiyo,

 Maammulkay ku duran yiin,

 Qaar baa digtoorro ah,

 Digriigoodu madhan yahay,

 Qaar baa durbaanno leh,

 Oo daacaddii jaray,

 Darna waa hagoogtaan,

 Waa deniyo waaweyn,

 Isku soo dabbaal oo,

 Waa dabaqad maal jecel,

 Waxa loo dig leeyahay,

 Dhididkayga dahabka ah,

 Sidii loo duddubin laa,”

Waxaan idiin ka soo dheegay Maansadii ballaysinka ama bilowgaba u ahayd taxanihii maansoo ee loogu wan-qalay: Deelleey. Waa goorma goorteed? Waa maalmihii amranaa ee Diisambar 1979kii. Bil ammaara waxay ahayd maalin Isniin ah oo ku beegnayd 10kii Diisambar 1979kii. Waa magaaladii Muqdisho ee dulmigii Maxamed Siyaad barriinsaday. Maantana ma maalmihii baa? Hanku weli ma halkii ayuu ku dabran yahay oo wax walba hunguri ayaa la dhaafsaday. Ma dalqadii baa indho lagu yeeshay oo dug iyo dareen kale ma hadhin. Bal adba!

Lixdannadaii in ay aanay qabiiladu macno samayn jirin waxa kaaga markhaati ah, doorashadii Maxamed Shuuriye ee xisbigii SNL loogu doortay in uu Baarlamaankii Soomaliya xubin ka noqdo isaga oo dadka la hayb-sooco ka mid ahaa. Wuxu ka badiyay kuwii laan-dheeraha sheeganayay. 1964kii Cumar Maxamed (Cumar Dheere) oo Ogaadeen ahaa ayaa isagana Hargeysa Baarlamaanka looga doortay isaga oo ku tartamayay magaca xisbigii SDU ee janjeedhka Hanti-wadaagnimo lahaa, loona yaqaannay ‘calan-casta’.

Waxa kale oo lixdannada dalka ka bilaabaantay erey-bixinta siyaasadeed, oo qaybo ka mid ahi laga soo bilaabo maalmahaa ilaa maanta taagan yihiin. Aniga oo aan cilmi-baadhis qoto dheer u gelin, haddana ereyada ugu da’da weyn ee tan iyo maalintaa la adeegsanayay waxa ka mid ah:

Dabo-dhilif oo u dhigmaysay ereyga carabiga ah ee ‘daneb’ (dabo). Ereyga Murashax wuxu soo baxayaa ama afka Soomaaliga soo gelayaa doorashadii 1959kii. Beryihii hore waxa la odhan jiray: “Hebel wuu isa sharraxay.” Ama qofka ayaa odhan jiray: “Waan isa sharraxay.” Markaas ayay inta badan dadka qaarkii ku adkaan jirtay sida loo fahmaa. Doorashadu marka ay dhammaato ayaa la odhan jiray: “Hebel wuu foosay (guulaystay) ama wuu dhacay.” Markaa ka dibna waxa lala yaabi jiray “Wuu dhacay.” Waxba ma ay ahayn in aad aragto hablo ooyaya oo leh:”Hebel ayaa dhacay.” Ma laga yaabaa in ay dadka qaarkii odhan jireenba: “Dee dhulka ha laga soo qaado.”

Kifaax oo u taagnayd halgan, Istiqlaal oo u taagnayd madax-bannaani ama xornimo, Rajci oo loo tarjumay dibusocod iyo qaar kale oo badan. Magacyadii beryahaa wiilasha lagu maansheeyay malahayga waxa ugu badnaa Sitiin oo ahaa lixdanka oo gobannimo iyo is-raacba u taagnaa.

Halkan aynu immika Baaqa ka soo saarno, xisbiyadii lixdannadii xornimada u dagaallami jiray, waxay soo saari jireen: Bayaan ama balaaq oo labaduba laba erey oo Carbeed ah.

Waxa kale oo ereyadii ugu da’da weynaa ka mid ah ereyga horseed. Ciidankii abaabulka ee Xisbigii SNL waxa la odhan jiray horseed, waxaanay ku lebbisan jireen direys cad iyaga oo calanka xisbiga jeeni-qaaran jiray. Madbacaddii Cabdillaahi Oomaar ee daabici jirtay wargeyska Al-liwaa iyadana waxa la odhan jiray ‘Horseed Printing Press.’

Waxa jiray erey aad mooddo in uu beryo danbe oo xilliyadii Siyaad Barre ku beegnaa soo baxay ilaa maantana aad loo adeegsado. Waa ereyga ‘Kala-guur.’ Waxaynu maqallaaa marxaladda kala-guurka. Haddana markaa aad wax aan sidaa u sii badnayn, ereygan qoddo waxaad ogaanaysaa in uu ku jiray tixihii qaaliga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan, Timacadde, maamuuska iyo muquunadaba uga dhigay calankii Soomaaliyeed ee berigaa la taagay. Sow kii lahaa:

 “Maanta waa kala-guuroo,

 Waa gumeysi-hayaan oo,

 Waa guushii muslimiinta oo,

 Guhaadshow calankeennanow,

 Geyigaan tirin doono,

 Kobtaan sheego ha gaadho,”

Waxaan ka soo qaatay maansadiisa Gelbis.

Waxa xusid mudan in ay erey-bixinta siyaasadeed ee ay xisbiyadaasi adeegsan jireen dhammaanteed ay afka Carabiga ahayd. Waxa intaa dheeraa in uu Xisbi waliba lahaa wargeys toddobaadle ah oo afkiisa ku hadli jiray. Qarni-ifriiqiya afka xisbiga SNL ayay ku hadli jirtay, Al-saraaxa waxay ahayd af-hayeenka Xisbiga USP, wargeyskii kale ee Al-Liwaa isaguna wuxu lahaa janjeedh dhinaca xisbigii NUF. Dhammaantood afka Carabiga ayaa lagu wada qori jiray.

Sababta uu afka Carabigu saaxadda siyaasadeed u qabsaday wax kale ma ay ahayn. Bes, intii xisbiyada hoggaaminaysay ama u hadlaysayba ayaa wax ku soo baratay afka Carabiga isla markaana lahayd dareen waddaniya oo gumeysi-diid ah. Waxay ahayd dhacdo run ah oo ay kaga duwanaayeen dhiggoodii Soomaaliyeed ee afafka kale wax ku soo bartay, gaar ahaan afka Ingiriisiga. Saamaynta labaad ee afkaa Carabiga ah raacaysay waxay ahayd tii uu ku yeeshay dalka iyo dadka Soomaaliyeed hoggaamiyihii caan-baxay ee Jamaal Cabdinaasir. Qaahira waxa ka bixi jirtay Idaacad la odhan jiray: “Sowtul Carab minal Qaahira”, oo aad loo dhegaysan jiray. Xataa, Jamaal wuxu galay suugaantii Soomaaliyeed ee hal-hayska noqotay beryihii dagaalkii Suweyska ee la lahaa:

 “Jamaal Cabdinaasir Allaa la jiree,

 Wixii la jihaada Allow jebiyeey,”

 (La soco………………………………………………..)