Kulmiye oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Warar Sheegayey in Madaxweynuhu Guddi u Magacaabay Shirka Xisbiga

 

 

Hargaysa(SLpost)- Xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar isa soo tarayay oo sheegayay in madaxweynaha Somaliland guddi u magacaabay qabanqaabada shirka Kulmiye. Warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay inaanu jirin warka noocaasi ah.

 

Warxafaadadeedka ayaa u dhignaa sidan:-

Warka lagu baahiyey shabakadaha interneta qaarkood ee lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu guddi qabanqaabo u magacaabay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo laga been abuuray Madaxweynaha Qaranka, isla markaana lagu doonayo in lagu khalkhalgeliyo habsami u socodka hawlaha diyaargarowga shirka.

Shuruucda iyo qawaaniinta u taal xisbiga KULMIYE ma bannaynayaan in guddi qabanqaabo loo sameeyo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbiga.

Hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe oo uu masuul ka yahay Xoghayaha guud ee xisbigu waxay u socdaan si habsami ah, iyadoo maalintii shanaad ay socoto diiwaangelinta iyo samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe ee ka qaybgali doona shirka 10-ka November 2015, ilaa haddana la ay is diiwaangeliyeen inta badan xildhibaannada golaha dhexe.

Sidaa daraadeed, waxaannu uga digaynaa dadka baahinaya wararka been abuurka ah ama tuhumada ay saxaafadu qabto in ay ka waantoobaan.