KULMIYE iyo WADDANI oo ka hadlay Faa’iidada iyo Khasaaraha ku jira Saldhigga Milatari ee Dalka Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo dhiggiisa Mucaaradka ee WADDANI, ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey qorshe la sheegay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku doonayso sidii waddanka Imaaraadka Carabta saldhig Milatari looga siin lahaa Magaalada Berbera, kaas oo noqon doono fadhi ciidan oo dalkaasi ku yeesho gobolka Geeska Afrika.

Dabayaaqadii Sannadkii hore, waxa dawladda Imaaraadku waydiisatay Somaliland in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera, taas oo madba’ ahaan ay dawladdu aqbashay, iyadoo arrintan uu jiritaanka uu xaqiijiyey wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Kulmiye_waddaniHaddaba, Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa arrintan siyaabo kala duwan uga hadlay iyagoo isku khilaafsan faa’iidada Somaliland ugu jirta haddii heshiiskani hirgelo

Xoghayaha Dib-u-dejinta iyo Dawladaha Hoose u qaabilsan Xisbiga Waddan, Jaamac Maxamed Cabdi (Jaamac Hilaac), ayaa sheegay inaanay Somaliland dani ugu jirin saldhig milatari oo dalka laga siiyo

Jaamac Hilaac oo u warramay telefishanka madaxa bannaan ee Bulsho TV, waxa uu ku dooday in heshiiska Milatari ee dalka Imaaraadku aanu wakhtigan waxtar u lahayn Somaliland, maadaama oo aanay jirin xidhiidh siyaasadeed oo dalalka Carabtu la leeyihiin Somaliland.

“25 Sanno ayaynu dawlad ahayn, waddamada Carabta wax dhaqaale ah kama hayno, maantoo u dambaysayna xoolaheenii bay joojiyeen, waxa muhiim ah inay lays weydiiyo danta ay maanta innaga leeyihiin. Markaa arrintan immika taagan (Saldhigga Milatari) ee xaasaasi ah waxay u baahan tahay in dhinacyo badan laga eego,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Hilaac isagoo ku dooday inay haboon tahay in heshiskaas lagu beddesho qorshe ka duullaya danaha qaranka Somaliland.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray in saldhigga Milatari ee dalka UAE ka doonayo Somaliland uu halis ku yahay ammaanka dalka, “Saldhigga Milatari ee halkan laga bixiyaa cadaawad buu kuu keeni karaa, waddamo badan oo aad heshiis ahaydeen buu heshiiskii ku burburi karaa. Waddamada Carabta waynu ognahay itaalkooda, hadday maanta ina soo weerarto Iraan oo ay is-hayaan, Imaaraadka iyo Gulf-ku (Jasiiradda Carabta) midna ma difaaci karo.”

Dhinaca kale, Xisbiga Kulmiye ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay xukuumaddu ku doonayso inay saldhig milatari kaga kirayso dalka UAE meel u dhow madaarka Caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxaanu xisbigu ku dooday tallaabo horumarineed oo wax ka tarayso xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Shisheeye, Dhaqaalaha iyo Shaqo-abuurka dalka.

Eng Farxaan Axmed Maxamuud oo ka tirsan masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Woqooyiga Ameerica, ayaa soo bandhigay mowqifka ay xisbi ahaan ka qabaan saldhig Milatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu ku yeesho Somaliland oo uu tilmaamay inay ka mid tahay qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda Siilaanyo dalka ka hirgelinayso, isagoo ku dooday inay tallaabadani wax weyn ka tarayso Dhaqaalaha, Shaqo-abuurka iyo waliba xoojinta ammaanka dalka.

Eng Farxan oo hadda ku sugan magaalada Denver ee dalka Maraykanka, ayaa qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo uu warbaahinta soo gaadhsiiyey waxa uu ku soo bandhigay qodobbo ka duulaya aragtida Xisbiga ee ku wejahan arrintan.

Waxa uu masuulkani sheegay in Saldhig Milatari oo dalka UAE laga siiyo magaalada Berbera ay soo dedejinayso in waddamo kale oo shisheeye ku soo dhiirradaan xidhiidh siyaasadeed, mid milatari iyo mid dhaqaale oo ay la yeeshaan Somaliland, isal markaanay tallaabadani suurto-galinayso inay waxyaabo badan ka qabtaan adeegyada kaabayaasha bulshada.

“Haddaanu nahay Xisbiga Kulmiye, xukuumadda waanu ku taageraynaa saldhigga Milatari ee waddanka Isu-tagga Imaaraadku ka doonayo Somaliland, umana aragno inay tahay tallaabo lagu degdegay maxaa yeelay wax kasta oo danta Qarankani ku jiro inay xukuumaddu ka arrimisaa waa muhiim.

Haddanu nahay xisbiga Kulmiye waxaanu u aragnaa inay muhiim tahay in Goleyaasha Qaranka iyo shacbiga loo soo bandhigo oo lagala tashado tallaabo kasta oo noocan ah, balse xukuumaddu ay uga masuul tahay.” Sidaas ayuu Eng Farhan ku sheegay qoraalkiisa.

Eng Farxan waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay, “Tallaabadani waxay suurto-galinaysaa inay Somaliland noqoto bogcad ay ku tartamaan isla markaana soo jiidata danaha dawladaha shisheeye ee danaynaya dalka. Saldhiggan Milatari wuu saamaxayaa inay Somaliland xidhiidh toos ah mid dadbanba la yeelato waddanka UAE iyo saaxibaddiisa kuwaas oo heshiisyada lala galayaa wax badan ku soo kordhinayaan ama ka qabanayaan horumarinta waddooyinka, Cusbitaallada, ceelasha biyaha, madaarada dalka iyo sidoo kale Maalgeshi dhinaca Wershada ah,” ayuu yidhi Masuulkani, isagoo intaas ku daray, “Waxa kale oo heshiisyadani suurto-galinayaan Shaqo-abuur ballaadhan oo dalka ka hirgala Kaasi oo ay ka faa’iidaydan karaan kumaanan kun oo muwaadin reer Somalilander ahi.”

Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in heshiiska Saldhigga Milatari ee dalka UAE ay suurto-galinayso “In magalada Berberi ay korodho dad ahaan, deegaan ahaana ay u dhisanto, isla markaana ay inaga caawin doonaan tayeynta, tababarida iyo agabka ciidanka Somaliland”. Ayuu yidih Masuulkani.

Waxa kale oo uu intaas ku daray isagoo qoraalkiisa sii watay, “Iskaashiga Somaliland iyo UAE waxa uu wax ka tarayaa dhinacyada ka hortagida argagixisada, budhcad badeeda  iyo sigida xuduudaha Somaliland sida dhulka, badda iyo cirka Iskashiga cilmi badhista.” Sidaas ayuu yidhi Eng Farxan Axmed Maxamuud oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa Xisbiga Kulmiye laanta Woqooyiga Ameerika.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore heshiis xagga Maalgeshiga dekedda Berbera ula gashay shirkad laga leeyahay dalka UAE, arrintaas oo muran ka dhex-abuurtay isla markaana ay ka qayliyeen xisbiyada mucaaradka ka hor intii aan Golaha Wakiillada laga ansixin heshiiska Maalgeshiga Dekedda Berbera oo si rasmi ah xukuumaddu ula dhammaystirtay Shirkadda DP World.

Haseyeeshee, qorshaha heshiiska Saldhigga Milatari lagaga kiraynayo dalka Imaaraadka, ayaa la garan karin inuu si sharci ah uga ansaxo Golahayaasha Xeer-dejinta maadaama oo aanay xukuumaddu weli soo bandhigin qorshihiisa sharci.