Kulmiye Dalka Ma Ka Qaban Karaa Doorasho Xor Ah 2017?

“Wax aan u mahadnaqayaa saaxiibbadayda aan is lee yahay si gacaltinimo leh ama xigaalnimo ah ayay kaagaga hadheen tartankii murashaxa madaxweynennimo ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale. Wax aan u ga mahadnaqayaa oo u arkaa in ay tudhaale ahaan ii gu daayeen in aan musharraxnimadan ku imaaddo. Aad iyo aad baan u gu mahadnaqayaa.”

 

Beenta iyo xaqdhawr darrada sidaa u weyn ayuu Muuse Biixi maanta ku ballaysimay ololihiisa madaxnimada ee sannadka 2017. Maxaa keenay in uu malaayiin qof oo uu weliba taageero ka doonayo beenta intaa la’eg hortooda ka sheego? Sababta oo ah malaayiintaa qof ayaanu wax xaqdhawr ah u hayn. Sideedaba siyaasadda waxaa loo bartay beenabuur, inkiraad iyo ku jiqsii. Taas buu weliba Muuse Biixi askari u yahay oo dagaalyahan u yahay.

 

Dhanka kale, Kulmiye wax uu ka mid yahay saddexda xisbi ee ku loollami doona doorashada madaxnimada Soomaalilaand ee soo socota. Doorashadaasi waa sii wadista hayaankii dimuqraadiyaynta dalka ee dastuurku dhigayay ee mar hore la sagsaagay. Haddaba nasiib xumo xisbigani dhexdiisa ma aha xisbi dimuqraaddi ah, madaxdiisana maanta loo ma dooran si xor ah oo loo siman yahay. Dhab ahaantii Muuse Biixi la ma dooran ee waa loo cimaamaday, raggii la tartami lahaana waxaa la gu muquuniyay awoodda dawladda iyo ta madaxweynaha, cabasho wal oo sharci darradaa la gu diidayna waa la jiidhay. Ciidamo hubaysan baa ilaa xalay Hargeysa ku gadaannaa, taas oo muujinaysa labadii garab ee xisbiga midkood in uu sameeyay afgembi hubaysan.

Tu taa aad u ga daran baa se soo socota, oo foolxumooyin waaweyni ka dhalan karaan.

 

Kulmiye oo gacanta ku haya talada dalka ayay doorashada madaxnimada ee soo socotaa qabsoomaysaa, waana hubaal oo qaab darrada iyo sharci darrada uu dhexdiisa ku soo ka la baxay mid la mid ah ayuu doorashada qarankana la gelayaa. Sidaa darteed aad iyo aad ayay u adag tahay in ay doorasho xor ah oo xalaal ahi Soomaalilaand ka dhacdo inta arrinku sidan yahay. Taas baa u baahan in maanta la ga sii tashado oo la ga sii tabaabulshaysto.

 

QaIinkii: braahin Yuusuf Axmed “Hawd”