Kulliyad Nooceedu ku cusub tahay dalka oo Hargeysa laga furay

Hargeysa (SLpost)- Kulliyad nooceedu ku cusub yahay dalka oo lagu baran-doono xirfado kala duwan, ayaa laga furay magaalada Hargeysa ee Caaasimadda Somaliland.

Kuliyaddan oo loogu magac-daray European College of Hospitality And Construction waxbarashadiisa xoogga lagu saari doono Barashada Hababka loo maamulo Hoteellada iyo cunto-karinta Caalamiga ah oo dadka xirfaddiisa yaqaanaa ku yar yihiin dalka iyo xirfadaha Dhismayaasha.

Maamulaha Kuliyada Golis European College of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay hawl ay bilaabayaan.