Kullan Ku Saabsan Ilaalinta iyo Tayeynta Caafimaadka Xoolaha oo lagu Qabtay Hargeysa

Kullan wasaaradda xanaanada xooluhu ku wacyigelinaysay dadweynaha kala duwan ee xoolaha ka ganacsada oo ku saabsan sidii caafimaadka xoolaha loo ilaalin lahaa ayaa maanta lagu qabtay sayladda xoolaha ee Hargeysa.

Waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah gudida sayladda xoolaha, ururada kala duwan ee hiliblayaasha iyo xoolaha, waxaana ay wasaaradda xanaanada ugu mahadnaqeen soo qabanqaabinta kullankan balaadhan waxaana ay sheegeen in wasaaraddu la shaqayso xoola dhaqatada iyo inta ganacsata ee Somaliland.