Kullan ku Saabsan Cidhibtirka Gudniinka Fircooniga ah oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa (SLpost)-Kulanka lagaga hadlaayo wax ka qabashada iyo cidhib tirka gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha  ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

 

Kulankan oo   ay soo qaban qaabisay  Dalladda Nafis Network ee ka shaqaysa arrimaha Gudiinka Gabdhaha ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,shirkan waxaa ka soo qaybgalay hogaanka sare ee Dalladda Nafis Network  Gudoomiyaha daladaasi Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Warsame (Aamina Milgo) Agaasimaha Dalladdaasi  Cabdiraxmaan Gaas,qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada, Madax dhaqameedka iyo Haweenka, waxaana ugu horeyn kulankaas ka hadlay Madaxa mashaariicda fulinta ee Dalladdaasi Nafis Muste Maxamed Daahir oo ug horeyn halkaa ka  iftiimiyey ujeedada shirkan iyo waxa loo qabtay waxaanu yidhi “ halkan waxaan isugu nimid inaan ka hadalno shirkan oo sida aad aragtaan ciiwaankiisu inuu yahay Gudniinka fircooniga ee Gabdhaha”

 

Gudoomiya Dalladda Nafis Marwo Aamina Milgo oo iyana halkaas ka hadashay  ayaa  waxay ka warrantay ujeedada loo qabtay shirkan heer qaran ee Gudniinka hawlihiisa diiradda lagu saarayo waxaanay ka dhawaajisay baahida loo qabo ilaalinta xubinta taranka dumarka ee birta loola baxayo waxayna tidhi “Kulankeennani muhiimadda ay noo leedahay dhamaanteennba inaynu meel uga soo jeedsanno sidii loo joojin lahaa Gudniinka fircooniga ah.”

 

Luul Aadan Geeddi oo ah Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo iyana halkaas ka hadashay ayaa  tidhi  “inaan intaas oo dhan ka hadalno Gudniinka waxaa keenayaa waa muhiimadda ay leedahay inaan joojino Gudniinka Gabdhaha waayo diinteenna Suubani way mamnuucday in Gabdhaha xubintooda taranka la jarjaro Nabigeennuna CSWS waxa uu ahaa ku dayasho fiican sida qur’aanka laynoogu sheegay, Dhakhtarka wayn hadaad tagtaan waxaad ku arkaysaan gawaadhida caafimaadka dagdagga ah loogu talo galay waxaanay dhaafeen Hargeysa waxaanay tagayaan ilaa iyo degmooyinka sida Sallaxley,Balligubadle iyo meelo kale waayo dhibaatadii soo gaadhaysay hooyinka ayaa bataday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda  Cismaan Axmed Jaamac oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay Inuu bulshada wada gaadhay xanuunka Gudniinka fircooniga ah ee Gabdhuhu loona baahan yahay inay bulimadu horsed ka noqoto sidii loo joojin lahaa Gudniinkaasi lagu hayo Gabdhaha waxaanu yidhi“Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo Ragguna way la qabaan waayo infuctions ka dhashay way kala qaadayaan”.

 

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Madax-dhaqameed iyo dad kale, waxayna dhammaantood sheegeen in gudniinka fircoonigu yahay masiibo, aan loo baahnayn oo naafaynaya Gabdhaha, waxayna soo jeediyeen in la cidhib tiro, waxayna dhammaan dadkii halkaas ka hadlay u mahadnaqeen Dalada Nafis oo ay sheegeen in kaalin weyn bulshada u hayso, waxaana halakaas lagu soo bandhigay warbixino ka turjumaya dhibka gudniinka fircooniga