Kulayl Xad-dhaaf Ah Oo 1,000 Qof Ku Dilay Hindiya

Mumbai, (SLpost)-  Kulayl xad dhaaf ah oo ka dhacaya dalka Hindiya ayaa la sheegayaa inuu galaaftay oo ay u dhinteen dad kor u dhaafaya  kun qof, iyada oo uu heerkulku ku dhawaaday  50C (122F) meelaha qaarkood.India

Inta badan dhimashada ayaa ka dhacday gobollada koofureed ee kala ah  Telangana  iyo  Andhra Pradesh, halkaasi oo ay ku dhinteen  1,118 qof tan iyo toddobaadkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in ay iyana ku naf waayeen 24 qof  West Bengal iyo  Orissa.

Heerkulka ayaa la filayaa inuu meelaha qaar hoos u dhaco maalmaha soo socda.

Xaalado kulayl daran ah ayaa ka dhacayay labada gobo lee kulayku ugu ba’naa  tan iyo bishii Abril, waana gobollada koofureed  ee Hindiya, balse dhimashada inta badan ayaa dhacday wiigii hore.

Gobolka ugu daraa ee   Andhra Pradesh, halkaasi oo uu heerka kulku gaadhay  47C Isniintii , waxa ku dhintay  852 qof.

Somalilandpost.net