Kulan Lagu Soo Afjaray Khilaaf Ka Dhextaagnaa Salaadiinta Beelaha Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa Oo Caasimadda Ka Qabsoomay

Salaadiinta11Hargeys (SLpost)- Kulan Hadhimo-sharafeed ah oo la iskugu keenay Salaadiinta beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse) ayaa maanta kulan ballaadhan lagu soo afjaray khilaafkii ka dhextaagnaa muddooyinkii ugu danbeeyey, Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Munaasibaddaas lagu turxaan Saarayey guud ahaan Salaadiinta beeshaas oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa si wada-jir ah looga wada dhawaaqeen inuu  dhamaaday Murankii ka dhextaagnaa iyo aragtidii ay ku kala duwanaayeen ayaa lagu shaaciyey in shir loo dhan yahay oo ay hogaaminayaan Madaxda-dhaqanka ee beeshaasi in lagu qabto degmadda Agabar ee Waqooyiga Hargeysa oo hore loogu qorsheeyey.

Kulanka Hadhimo-sharafeedka ah ee ay isku Turxaan saareen Salaadiinta Dhaqanka ee beelaha Sacad Muuse ayaa waxa fidiyey Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), kaas oo ay ka caawinayeen Xubno Ganacsatada beeshaas ka mid ah oo iyagu isku xil-qaamay inay isku soo dhaween Madaxda-dhaqanka ee beeshooda oo khilaaf wayn oo dalka oo dhan laga wada dareemay uu ka dhextaagnaa. Ugu horayna waxa shirkaas furay oo kalmadii furi-taanka la siiyey Duqa Caasimadda C/raxmaan Soltelco, waxaanu yidhi  “Salaadiinta, Ganacsatada, Waxgaradka, Guddida Shirka, Xildhibaanada iyo dhamaan marti-sharafta kale ee shirkan ka soo qaybgashayba waan salaamayaa. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa ganacsatada reerka oo runtii aad iskugu xilqaantey oo ka soo shaqaysay in Salaadiinta ay halkan iskugu keenaan oo ay reerkoodii Mideeyaan si shirkoodu si fiican ugu  qabsoomo oo Khilaafkii yaraa ee jirayna uu meesha uga baxo oo halkaas waxa idiinka muuqda Suldaankii Guud iyo Salaadiintii kale ee reerka khilaafka yari ka dhextaagnaa, kuwaas oo u diyaar ah inay hawshii Shirka beesha hogaamiyaan iyaga oo kala shaqaynaya arintaas Guddidii loo xilsaaray hawsha iyo Ganacsatada reerka ee iyagu doorka ugu wayn ku lahaa isku keenida Salaadiinta reerka. Waxaanan dhamaan ka soo qaybgalayaasha oo dhan uga mahadcelinayaa sida ay u soo ajiibeen Casuumadan, inaga oo sidaas u midaysan dhamaanteena shirka ayeynu ku tagi doonaa Insha Allaah”. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi  oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Magaaladda Hargeysa, balse isagu aan wakhtigan ka tirsanayn Xisbigaas, ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Mahad Ilaahay ayaa iska leh inta ka sokaysa marka Mahada Ilaahay laga reebo waxa aanu u mahadnaqaynaa cidii soo abaabushay kulankan mihiimka ah ee gartay inay Shir iskugu keenaan reerkan, waxa aan leeyahay waa hawl badane Ilaahay ha idinka Jazaa’i siiyo Insha Allaahuna waxa aad noqon doontaa Shirkanina waxa uu noqon doonaa mid aanu mahadino. Waxa kolayba jirta in la yidhaahdo tolow maxaa shirkan lagu falayaa reerka? Dee jawaabtuna waa Midnimo ayaa laga doonayaa oo wanaag ayaa looga baahan yahay, marka aan wanaag la tagto ee la isku yimaadona waa Casabiyad, Casabiyaduna waa ta diinteenuna diiday ee Nabi Muxamed-na (SCW) waxa uu yidhi kuwaasi anaga maaha. Hadii aynu doonayno wanaag iyo in dalkanina Cadaaladu ka hirgasho waa inaynu inagu iska bilawno oo aynu inagu farnaa in Cadaaladda la ilaaliyo, hadii Cadaalad dhexdeena laga waayana meelkalena laga heli maayo. Shirkan oo waa duco iyo isbarasho oo aan isleeyahay dad badan ayaa iskugu iman doona, waxaan filayaa inay fiican tahay inaynaan inaguna xumaan ku doonin, waxaanan leeyahay ninka u hiili marka laga gardaran yahay, una hiili marka uu gardaran yahay oo dadka ka qabo, waxaan leeyahay cid ugu tashanmayno ee danteena ayeynu ka tashanaynaa”.

Salaadiinta11Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, isla markaana ka mid ahaa Guddidii Mus-danbeedka ahayd ee xalinta khilaafaadka shirka beelaha Sacad Muuse, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa; “Salaan ka bacdi maanta waxa ay inoo tahay maalin farxadleh, runtiina waxaynu beeninay hadalkii dadkii lahaa isku iman-maayaan oo shiri kari maayaan oo heshiinmaayaan ayaa waxaynu hadalkaas ka dhignay oo uu noqday hal-bacaad lagu lisay, markaa Ilaahii maanta isku keen-keenay ee ina garadsiiyey, waxaana farxadwayn ah oo mahad iska leh Ilaaha ina tusay inaga oo uu  inaga dhexbaxay khilaafkii iyo xiisadii yarayd ee inaga dhextaagnayd oo maantana halkan iskugu keen wada keenay. Ilaahay ka sokow waxa mahad leh cidkasta oo garatay inay isku keento Haldoorka reerka ee khilaafku ka dhexjiray ee waliba ummadana tustay inaynu shiri karno oo aynu danteena iyo danta Qarankeenaba ka shiri-karno,” ayuu yidhi Xildhibaan Muxumed.

Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay oo Kalmado dardaaran iyo dhiiri-galin ah halkaas ka jeediyey Guddoomiyaha Guddida Hoggaaminaysa Shirka Beelwaynta Sacad Muuse ee degmada Agabar dhawaan ka furmi doona Sheekh Al-mis Sh. Yaxye, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “Dadku hadii ay meel iskugu yimaadaan hadal waxa ugu khayr badan inay saddex arrimood midkood ay ka hadlaan:- 1) Waar Macruuf iyo Saddaqo yeynu siinaa 2) Waar yeynu Wanaag amarnaa oo aynu Xummo ka reebnaa 3) oo ah ta ugu Khayrka badan waa yey Turxaani ka dhaxaysaa oo aynu turxaanta ka saarnaa oo aynu Walaalaynaa. Nabi Muxamed (CSW) kamay sugnaanin waligii intii Ilaahay Nabi-nimada u doortay waligii Salaadi kamay tagin laakiin laba kooxood ay Madiina isku qabteen oo ay yidhaahdeen hadii aad na soo kala gaadhi waydo waanu is galaynaa ayaa Rasuulkii Ilaahay Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee uu u gurmaday Salaadii Subax oo uu waday oo uu Duhurkii soo galay oo uu Tukaday sidii uu dhexdhexaadinayey dadkaas ayey Salaadii Casar ka tagtay Nabi Muxamed (SCW), taasina waxay kaga tagtay sidii uu laba beelood oo Turxaani ka dhexjirtay uu u soo afjari lahaa, markii uu ka soo baxay ayuu yidhi waligay Salaadi igamay tagine maanta dadkaas aan heshiisiinayey ayey igaga tagtay. Markaa Rasuulkeenii (SCW) waxa uu ina yidhi wax la qabto waxa ugu qiimo badan Quluubta dadka oo la isku keeno oo laga daweeyo xumaha dhexdooda yaala, dantooda iyo aayahooda inay ka wada-tashadaan If iyo Aakhiroba iyaga oo dhan u wada jeeda waa mid loo baahan yahay, waana waxyaabaha Nabiyada Ilaahay u soo diray ee Kudubtooda loo soo dhaadhiciyey. Ilaahay waxaan ka baryeyaa  in Quluubteena sidaas maanta loo sheegay ee Madaxdhaqmeeedkeenan halkan i agfadhiya  ay iskaga saareen intii yarayd ee khilaaf ahayd ee dhexdooda taalay ayaa waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xaqiiqo dhab ah oo hirgasho inooga dhigo Insha Allaah,” ayuu yidhi Sh. Almis Yaxye.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Samaale, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Eng Xaashi iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer  Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo isagu soo xidhay Shirkaas, waxaanu suldaanku  sheegay in shir beeshu u dhantahay uu ka qabsoomi doono Degmadda Agabar, isaga iyo Salaadiinta kale ee reerka oo gacmaha is haystaana ay tagi doonaan, waxaana hadalkii Suldaan Xasan ka mid ahaa, “Ugu horayn Salaadiinta, Xildhibaanada, Xildhibaanada Qaranka, Waxgaradka, guddida cusub ee hogaaminta ee shirka Agabar iyo guud ahaan Madaxdhaqmeedka kala duwan ee madasha fadhida iyo Odayaasha Mus-danbeedka  waa ragii waawaynaa ee Muxumed Aw Axmed ugu horeeyo waxaan ku salaamayaa dhamaantood Salaanta Islaamka A-Salaama calaykum Wa Raxmatulaahi wa barakaat. Intaa ka bacdi farxad wayn bay ii tahay oo sharafwayn ayey ii tahay inaynu maanta madashan iskugu nimaadno inaga oo ku kala maq-maqnayn aragti kala duwan oo aan la odhankarin Khilaaf  oo qof waliba dhinac ayuun buu ka arkayey haday dhaqan tahay iyo haday cid kale tahayba, markaa dhamaanteen waxaynu u wada dadaalaynay uun dan qudha waa danta shirka beesha, Ilaahay waxaynu ka baryeynaa Tawqiifda inuu inoo adkeeyo oo inaga oo gacmaha is haysanana aynu shirka tagno Insha Allaah,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Shirka beelaha Sacad Muuse oo muddooyinkii ugu danbeeyey u muuqday mid lagu kala qaybsan yahay, ayaa markan la filayaa in Shir ay qaybaha bulshada ee Beeshaasi u dhan tahay uu ka qabsoomo deegaanka loo qorsheeyey ee Agabar, kaas oo maalinta uu furmi doono la shaacin doono 13-ka bisha Hadii Alle yidhaahdo.

SOMALILANDPOST.NET

Conctact@somalilandpost.net