Kulan Lagu Falanqeeyay Ka Hortaga Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee Ku Biira Ururrada Xag-jirka Ah Oo Ka Dhacay Minnesota

Minneapolis, (SLpost)- Kulan lagaga hadlayay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biira kooxaha xag-jirka ah ayaa lagu qabtay gobolka Minnesota, waxaana ka qaybgalay Soomaalida halkaas degan iyo qaar ka mid ah xildhibaannada gobolkaas laga soo doorto.ISIS

Kulankan ayaa lagaga doodday sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa, sidii hay’addaha ammaanka loola shaqayn lahaa iyo sidii loola dhaqmi lahaa haddii hay’addaha ammaanku ay qoysaska baadhitaan ugu yimaadaan.

Arrintan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraysa ururada xag-jirka ah ee ka dagaalama meelo adduunka ka mid ah ayaa dhawaan walaac kusii abuurtay bulshada soomaalida, ka dib markii boolisku ay xabsiga dhigeen lix dhalinyar ah oo ay ku eedeeyeen inay ku biirayeen kooxda Daacish.

Saadiq Warfaa oo ah guddoomiye ku-xigeenka ururka qurbejoogta Soomaalida ee caalamka, waxaanu ka mid ahaa dadkii soo qaban-qaabiyay kulankaas, waxaanu yidhi. “Kulankaas waxa lagaga hadlayay side ayay jaalliyada u saamaysay lixdaa dhalinyarada ah ee la xidhay? Waxaana jira walaac badan oo dhinaca jaalliyada ah, markaa shirku wuxuu ahaa kala war qaadasho, waxaanu ku saabsanaa side lagu caawin karaa waalidiinta soomaaliyeed ee carruurtooda la xidhay? iyo sidee haddii aynu soomaalida nahay aynu u badbaadin lahayn carruurteena qurbaha ku dhalatay.”

Somalilandpost.net