Kulan Lagaga Hadlayay Kaalintii ay haweenka ka qaadan karaan Siyaasadda oo lagu qabtey Borama

Boorame (SLpost)-Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal waxaa maanta ka furmay kulan balaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Dalladda Haweenka ee Negaad kaas oo lagu gorfaynayo sida ay haweenka Somaliland qaab muuqda ugaga qayb qaadan lahayeen siyaasadda iyo hogaaminta waddanka.

Kulankaas oo lagu martigeliyey hotel MANA GUEST HOUSE oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha bulshada ee Gobolka Awdal sida salaadiinta, Culima’udiinka iyo waxgarad kale ayaa waxa furay Xoghayaha Gobolka Awdal Md Asad Cabdi Jaamac oo halkaa ka sheegay muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin bulshada.

Xoghayahu waxa uu xusay in haweenku ay u debacsan yihiin dadka jilicsan iyo daryeelkooda taasina ay inagu dhiirrigelinayso inaynu fursad ka siino hogaaminta dalkeena.

Sh. Xaamud Axmed Nadiif isuduwaha wasaaradda diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Awdal oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay diinta islaamku xuquqda dhamaystiran u siisay haweenka taasoo ay qayb ka tahay ka qaybgalka talada umadda, halka uu sidoo kalena xusay in haweenka oo ah qaybta u badan bulshada ay u baahan yihiin inay ixtiraam helaan.

borama

Marwo Caasha Xasan Cali oo ka socotay daladda haweenka ee Negaad ayaa ka warantay qorshaha ay haweenka Somaliland ku doonayaan ka qaybgalka siyaasadda dalka iyo inay kuraas Kootto ah ka helaan golayaasha qaran iyo kuwo heer deegaan, waxana ay ku wargelisay ka soo qayb galayaasha in dhammaan gobolada Somaliland lagu qabtay kulamada noocan ah guulo badana ay ka soo noqdeen.

Culima;udiinkii iyo waxgaradkii soo xaadiray kulanka ayaa muujiyey dareenkooda ku saabsan qorshahani waxana ay sheegeen inay taageersan yihiin dadaalada ay haweenka Somaliland wadaan, iyagoo ballanqaaday inay taageerayaan qorshe kasta oo ay haweenka Somaliland kaga qayb gelayaan siyaasadda dalka iyo hogaminta isla markaana kuraas aan tartan ku xidhnayn ay kaga helayaan golayaasha qaranka iyo kuwa deegaanka.

Somalilandpost.net

Borama