Kulan ku Saabsan Qorshe Hawleedada Guddida Caddaaladda oo Hargeysa Laga Furay

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta u sarreeya Bahda Caddaaladda, ayaa si wada jir ah shalay u furay kulan lagu gorfaynaayo qorshe hawleed Guddida Caddaaladdu ku shaqayn doonto shanta sanno ee soo socda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali, Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa shirkan furay, isla markaana tilmaamay inuu muhiimad u leeyahay hawlaha Caddaaladda.

Tababarkan, ayaa ay dawladda Ingiriisku u furtay xubno bahda caddaaladda ka kala socday, waxaana bixinaayey khubarro ku takhasustay dejinta istaraatijiyada garsoorka.

Haddaba, warkan oo faahfaahsan halkan ka daawo.