Kulan dhexmaray Gudoomiyaha Midowga Afrika & Masuul Dowladda Somaliland ah.

Addis Ababa (SLpost)- Dublamaasi u dhashay Jamhuuriyada Somaliland ayaa kulan kula yeeshay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa F. Mahamat oo ka socdo kal-fadhigii 29aad ee caadiga ee ururka.

Safiir Ayaanle Salaad Diiriye, oo ah safiir-xigeenka safaarada JSL ee Itoobiya ayaa sheegay inuu kulan isbarasho ah la yeeshay Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Mr. Mahamat, isla markaana raaciyey inay kulamo dambe yeelan doonaan.

19598509_1502777069783796_3987172455841030486_n (1)Qoraal warbaahineed la xidhiidha kulanka oo u soo saaray safiir Ayaanle Salaad oo shabakada SomalilandSpan heshay ayaa lagu sheegay “Ku-xigeenka Safaarada JSL ee Itoobiya, safiir Ayaanle Salaad Diiriye sharaf iyo qiimo u tahay kulan dhexmaray Gudoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat magaalada Addis Ababa.

“Kulanka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika, ayuu xilligan ka socdaa kal-fadhigii 29aad ee caadiga ahaa ee Midowga Afrika. Waxaana loo balamay kulamo dambe.

Safiir Ayaanle Salaad oo sheegay inuu kulamo dheeraad ah la yeeshay dublamaasiyiin kaloo ka socday wadamada Afrika ee ka qeybgelaya kalfadhiga Midowga Afrika, ayaan faahfaahintooda dib idiinka soo gudbin doonaa, insha alaah.

 

Kulanka dhexmaray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat iyo safiir-xigeenka Safaarada JSL ee Itoobiya Safiir Ayaanle Salaad Diiriye ayaa wadadda u xaadhi doona xidhiidh wada shaqeyneed cusub oo dhexmara JSL iyo Midowga Afrika, iyo fursad si wanaagsan loogu fahmo xaqa madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland.

Gudoomiyaha Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat, oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Chad, ayaa xilkan kaga guulaystay dabayaaqadii sannadkii hore tartan ku dhexmaray Aamina Maxamed oo dalka Kenya ka socotay.