Kulan Albaabadu u xidhan yihiin oo Dhex Maray Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Masuuliyiinta Talada Dalka kala wareegtay [SAWIRRO]

Hargeysa, 27 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horreysay tan iyo wakhtigii Doorashada Lagaga guulaystay 26 June 2010 Booqasho ku tagay Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

In kasta oo aan la ogeyn ujeeddada Kulankaas iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen, haddana waxay wararku sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Daahir Rayaale ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, markii uu dhammaaday kulanka madaxweynayaasha, waxa uu Daahir Rayaale kulan albaabadu u xidhan yihiin oo muddo qaatay la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil.

Kulanka madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu la yeeshay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo xilligii uu talada dalka wareejiyey.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland