Kulamo lagu gorfeeyey Qodobbo Xaasaasi ah oo Dhexmaray Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia

Hargeysa (SLposgt)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Wara-cadde oo uu weheliyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan qodobbo xaasaasi ah lagaga hadlay kula yeeshay Masuuliyiinta ugu sarreysa laamaha ammaanka dalka Ethiopia.

sawirro (1)Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Kenya oo ay kulamo kula qaateen dibloomaasiyiin iyo Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Safaaradaha waddamada Reer Galbeedku ku leeyihiin magaalada Nairobi, gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya, waxaanay halkaas kulamo gooni-gooni ah kula qaateen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha Guud ee Ciidamda Itoobiya Gen. Samora Yenus iyo Maayarka magaalada Addis Ababa, Kuma Demksa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa.

sawirro (4)Lama oga arrimaha ay ka wada-hadleen masuuliyiinta dhanka Amniga ugu sarreysa ee labada dal, haseyeeshee sida war-saxaafadeedka lagu sheegay in kulamadan oo hore loo sii qorsheeyey ay kaga wada-hadleen arrimo khuseeya xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa labada waddan, sida nabadgelyada, horumarinta iyo Iskaashiga.

Waxa uu warku intaas ku daray in kulamada masuuliyiinta labada waddan oo muddo saacado ah socday layskula qaatay sii xoojinta Iskaashiga labada waddan isla markaana meel looga soo wada-jeesto wax kasta oo dhaawac gaadhsiin kara xasiloonida, nabadgelyada iyo iskaashiga mandaqadda.

sawirro (3) sawirro (2)

SOMALILANDPOST.NET