Kudhawaad Labaatan Qof Oo Ku Dhintay Iskudhac Mucaaradka iyo Booliska Jabuuti

Jabuuti(SLpost)-Wararka ka imanaya dalka Djibouti ayaa sheegaya in dhawr iyo toban qof ay ku dhinteen markii sida la sheegay ciidanka ammaanku ay rasaas ku fureen dad sameysanayay xuska Mowliidka.

Guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga mucaaradka USN, Cumar Cilmi Kheyre ayaa sheegaya in booliisku ay soo weerareen goobtaasi saaka arroortii.

Laakiin Taliyaha ciidanka booliiska Djibouti, Cabdullaahi Cabdi Faarax ayaa isna sheegay in dadkaasi oo uu ku tilmaamay kuwo mucaaradku soo abaabuleen ay weerar ku soo qaadeen booliiska oo ay ka jawaabeen.

Wuxuu sheegay in soddon iyo lix ka tirsan booliiska, oo uu ku jiro sarkaal sare lagu dhaawacay weerarkaasi.