KU-FAAN! – Qalinkii: Faadumo Bintu Aadan Buuni

f.picKute, “outpatient tag.” “Adeer waa maxay outpatient?” Kuba yidhi. “Eeyaahe waa ka halkaa Ku yaalee tag,” ka daba gaysay. Waa kalkaaliso joogtay Cisbitaal. Waabay ku qanacsan tahay Weedhan qalaad ee Afkeeda ka soo baxaysa,kuna leedahay odaygan waayeelka ah. “adeer Qof bukaan ahaye kaalay adigu i gee”markuu yidhina aad bay ula yaabtay!Inkastoon Markaa goobta ku sugnaa, oon daryeelayey qof bukaana, haddana waan u adkaysan kari Waayey, siday ula hadlayso waayeelkan aabeheed oo kale ah, waa oday da’ah diif badanina Ka muuqato.Xanuun badana daashaday. Dushiisana dar xumo badan aad ka dheehanayso. Aragti uu arkay meeshan ay sheegaysana dhaafe waligii ma maqal. Maantaaba ugu horaysa. Ha kuba soo dhaqaaqo dhinacay taagnaayeen. Markaan idhi “walaal waa oday waayeela, Mana garanayo weedhan aad ku dartay hadalkaaga, kulamana fahmayo. Intaad leedahay Out patient, waxa kaaga fiican kaagana qurux badan inaad ku tidhaa, adeer qaybta bukaan Socodka tag”. Intay kor iyo hoos ii eegtay bay tidhi,”patientkaaga ku eekow, shaqadaydana Ha soo faro galin,maxaase kaa galay adiga odaygan?”

Waabay ku sii taagan tahay weedhii qalaad, ee ka soo baxday Afkeeda wali, naxariistii beri Horey ka haadday. Waxabad moodaa inay Askar tababarayso.”Ma af-Soomaali baanad ku Garanayn, mise waad ka faanisaa?” markaan ku idhina, waxay u dhawaatayba inay gacan ii Qaado, anoo dhoolo cadaynayaan ugu warceliyey” walaal shaydaanka iska naar wax uun Baan kuu sheegayee, waxba kumaan yeeline,kuna faan Afkaaga hooyo,hana ka faanin” .Dad Badanoo goobta ku soo ururay, baaba Afka iyadii kaga booday.”Naa wax isku fal, waa ku Sidee!Naa naxariistii halkay kaa martay? Halkeed Inanta afka ugaga booday?” Intaba waan Maqlayey.kaba soo dhaqaaqay goobtii,odaygii waayeelka ahaana soo kaxeeyey,goobtuu Doonayeyna geeyey.Iiba ducee,isagoo ku celcelinaya “liibaan adeer liibaan”.Ugu Danbayntiina ka soo noqday odaygii waayeelka ahaa, anoo madaxa ruxaya hoosna iskula Hadlaya oo leh,”toloow dadkani maxay Afkooda uga faanaan ooy midkale ugu faanaan? Mise Toloow Inantu iyadaa kaa saxsan, oo waligeedba may arag meel Eray bixinta weedhani ku Taalo, mise waxan jirinba Qaamuuska Eray bixinta Caafimaadka”? Iyadba waa Is waydiin Dadoow.

Faadumo Bintu Aadan Buuni

Email: libaaxo.77@gmail.com

Hargeisa-Somaliland