Ku Dhawaad 3000 Oo Qof Ayaa Paris Lagu Baray Gargaarka Degdega Ah Kadib Weerardii Cabsida Ku Beeray Faransiiska

Ku dhawaad 3000 oo qof ayaa ka qayb gashay tababarro gargaarka deg-degga oo lacag la’aan ah oo ka dhacay magaalada Paris.

Ujeedadu waxa ay ahayd in dadka loo diyaariyo suurtagalnimada weeraro argagxiso oo dhici karo mustaqblka.

paris2

Tabararadaasi oo socday muddo laba saacadood waxay ka dhaceen dhamaan degmooyinka ay magaalada Paris ka koobantahay.

Waxaa ka qaybgalayaasha la barayay sida ay uga jawaab celin lahayeen haddii ay dhacdo xaaalad deg deg ah.

Masuuliyiintu waxa ay qorshaynayaan in tabarrada noocaan oo kale ay sameeyaan ugu yaraan sanadkiiba hal mar.

130 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ka dhacay magaalada Paris bishii Nofeember.