Ku dhabawday somaliland dhiiga geesiga – W/Q: Ismail Yusuf Adam

JOSEPHGoor casar ah ayaan koox dhalinyaro ah ku kulanay goob laga qaxweeyo oo ku taala badhtamaha suuqa magalada hargeisa, is tooyasho ka dib garwaaqsaday in laba ka mid ahi ay yihiin dhalinyaro reer muqdisho ah, oo ku koray muqdisho waqti an badnayna ku sugan magaalo madaxda somaliland e hargeisa, is waraysanay o kaftanay ka dib waxan weydiiyay bal wixii ugu yaabka badna e ay ku arkeen magaalada hargeisa. waxay i sheegeen wax aanan filanayn…. mid ka mid ah ayaa wuxuu iigu jawabay ” waxa igu yaab badnayd maalintaan Hargeisa ku arkay qof dhintay oo loo ooyayo”. ka dib wuxuu si kaftan ah igu raciyay ”Aboowe xabaddii xamar waa u xiisay noo” .

YAAB!!! waxay ahayd jawaab anan sugayn. tolow dhawaqa rasaasta ma loo xiisoodaa maqalkeeda mise waxay qofka ku dhalisa baqdin iyo argagax!!!!!. waa laba hab nololeed o aad u kala fog, ta aan ku koray ee taala dalkayga SOMALILAND iyo tan ay wiilashani iga sheekaynayo e dalkiisa SOMALIA lagaga noolyahay.

mahad o dhan ILAAH baa iska leh ILAAHA iga uumay umad muslin ah o amarkiisa adeecda, duul wanaag jecel,iyo geyi nabdoon( somaliland).

Dalkayga Somaliland ma aha mid hadiyad la ii siiyay oo hoo aayar la i yidhi,qarankani Somaliland ma aha mid dhayal iyo dhabar u jiif lagu helay, Somaliland waxay ku timid DHIIG GEESI, HANTI DEEQSI,DEDAAL UMADEED iyo QULUUB DAACAD AH o dulmi diid ah.

aabayaal badan ayaa ku naf waayay soo dhicinta xaqa umadan, ubad badan ayaa u agoomoobay,hanti an la koobi karayn aya ku abaadday, sido kale ooryo an tiro lahayn ayaa asay u qaaday. caawimada EEBE iyo cududii aabayaasheen o is kaashadayna waxay keentay raad-tirka daaquudkii maxamed siyaad barre iyo raynraynta ay manta ku noolyihiin dadka reer somaliland.

 Inta dhimatay khasaare ma joogaan o waxay u dhinteen inay ubadkoodu sharaf ku noolaadaan wanay guulaysteen, inta dhaawacantay e laxaadkoodi u weyday danta dalkan iyo dadkan uma ciishoonayaan umana calaacalayaan xubnahoodii o waxay ku indho doogsanayaan midhihii dedaalkooda, inta hantidoodi ku weydayna ma qoomamaynayaan o waxay ku laabqaboojistaan nabadda,sharafka iyo cissiga ay ku dhex joogaan dalkooda iyo dadkooda.

Maansadii mucjisada ahayd ee ERGO ayuu alle naxariistii janno ha ka waraabiyee MARXUM ABWAAN MAXAMED XAASHI DHAMAC GAARRIYE ku lahaa

  • Ishaa Maanta Bidhiiqdiyo
  • Ogobeey Libinteyda
  • Rag Bow U Haysta Ilaaqe
  • Hodaneey Marna Aabo
  • Ax Yaa Wadanii Iyo
  • Axsaan Layguma Siinin
  • Halyeeyaa Ku Idlaaday
  • Ubad Baa U Lugo Beelay
  • Aduun Baa Ku Dhamaaday
  • Khabar Baa Ka Adeegay
  • Anigaa Rag Ugu Liita Oo
  • Afadeyda Siddeed Gu’
  • Kamaan Soo Ag Wareegin.

Waxay maansadani tilmaan ka bixinaysaa wixii loo so maray dib ula so noqoshada xornimada jamhuriyadda somaliland, waxaanay si dhaba u qeexaysaa dedaalka lo so galay helitaanka iyo hirgelinta badhaadhaha ay manta ku noolyihiin dadka reer somaliland.

Waan ka wada dheregsanahay wixi dalkani lo so maray, erayadaa kooban iyo maansadaa abwaan gaariyaa igaga filano, garane oo garwaaqsane in aabayaasheen xilkoodii guteen, NINKAY KU HADHAY HAWLI HAYSAA, baan ayeyday ka maqli jiray, hore u wadida hayaanku waa waajibka dhalinyarada maanta, waanan ku kalsoonahay 100% inaynu awoodeeda iyo kartideedaba leenahay dhawrista QARAN ka unkamay dhiigii adoogeen, CALAN aan ku dhalan abaal e ka abuurmay xinjiro, iyo CIID ku xorowday gashi nin rageed.

Ka dib bilawgii wada hadalka lala galay dawladda aynu jaarka nahay ee somalia, waxa dhegaheena ku soo dhacaya hadal haynta midaw soomaaliyeed, illayn HADAL I DAA KUMA IDHAAHDO, ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, damiirka dadka reer somaliland waa mid aad uga sarreeya inay dedaalkaa dadkoodii hore so galeen ka dhigaan biyo col dhaanshay, asayda ay hooyoyinkeen iyo hablaheenu hagoogteena waan ka garasho dheernahay inaan ka soo qaadno mid ujeedo la,aan ahaa.

Ma garanayo wax ii gudi kara hal qof oo qarankan dartiiis ciidda hoosta uga maray, o u geeriyooday aniga (JIILKA MAANTA)dartay.

waxaan dedaalka u soo galnay XAMDAN LIL RAXMAAN waan helnay, hagaajinta iyo habida qarankana waan ku hawshoonahay, ninka ku fikiraya midaw danbe oo soomaliyeedna aan ku idhaahdo HABEEN MAAD JIRIN!!. Waa kuma ninka ku fikiraya qaran (SOMALILAND) 20 sanno duurka loogu jiray oo loo dagaalamayay xorriyada dadkiisa, 20 sano o kalena dedaal logu jiray horumarkiisa, in dib loogu soo celiyo meeshii uu lixdankii ka dhaqaaqay. MA DHICI KARTO, MA DHICI DOONTO, INAY DHACDANA MAAHA.

Runtii ma necbin walaalahayo(SOMALIA), waxaana marag madoon ah in marki dadka reer somaliland gobanimadi ka qaateen gumaystihii ingiriiska jacayl iyo jibbo ay u qabeen walalahood si shuruud la,aan ah calankii iyo dawladnimadiiba u geeyeen muqdisho, wixii ka qabsanadayna la inooga sheekayn maayo. wuxuu yidhi ninkii jiray MAR I DAGE ALLE HA DAGO, MAR LABAAD I DAGASE ANAA IS DAGAY. Go,aanki lixdankii dawladnimada iyo calanka lagu geeyey xamar, iyadoo somaliland 37 dawladood aqoonsayihiin mid ka weyn ayaa lagu gaadhay 1991 magaalada burco, tolow kaa hore sida loo ixtiraamay ee loo so dhaweeyey maxaa kan danbena logu ixtiraami laayahay???.

Uma ciishoonayno umana cadhoonayno aqoonsi la,aan oo wax nooga ooyayaa maba jiraan,haddaan helnana ALXAMDULILAH, hadaan weynana horeba waan u noolayn, iyadoon cidna gambo noo sheeganayn, anaguna aanaan cidna gacmaha hoos dhigan ayaan halka uu manta halka uu qarankayagu joogo aanu so gaadhsiinay, waanan noolaan karnaa aqoonsi la,aan, isku filnaanshana waan gaadhi karnaa taageero la,aan.

Ugu danbayntii horumarka aan ugu faanayno qayrkeen waxa sal u ah nabadgelyada, mandaqadda qarankeenu ku yaalo iyo hareeraheena xaaladda taala waa mid fiiro gaar ah iyo feejignaan inooga bahan, waxaan dadkayga u dardaarmayaa inay nabad gelyada ilaashadaan. Nabad gelyada inagaa ku nool, waana waajib saaran shakhsi kasta oo reer somaliland ah inuu ilaaliyo nabad gelyada qarankiisa si aan qayrkeen ula tartano.

MAHAD EEBBAA MUDAN

Guul iyo gobanimo

Qalinkii:ismail yusuf adam(joseph)

phone#: 00252-2-4259309

E-mail:hanuuniye_a@hotmail.com