Kormeerayaashii Carabta ee ku sugnaa Suuriya oo dalkaas ka baxaya iyo weji Gabax ay jaamacadda Carabtu dalkaas kala kulantay

Dimishiq, 24 January, 2012 (SLpost)- Dawladaha ku jira golaha iskaashiga khaliijka ayaa maanta  sida ay u dhan yihiin  kale baxay kormeeroyashoodii ka hawl gali  lahaa  dalka Suuriya  si ay  xaalada runta ee jirta dalkaasi  uga soo warami lahaayeen , taas oo ay joogsatay hawshii jaamacadda carabtu u igmatay.

Dawlada Sacuudiga oo ka mid ah lixda wadan ee ku jira  golahaasi  ayaa maalintii Axadii ku dhawaaqday  in aan kormeeroyaal u dhashay Sacuudigu tageyn dalka Suuriya , taas oo ay maanta ku raaceen  shanta kale ee golahaasi ku jira  .

Waxana xukuumada Sacuudigu  sheegtay hadii  ayna xukuumada Suuriya Aqbalayn qorshaha cusub ee jaamacada carabta soo saartay  , ayna wax faa’ido ahi ku jirin  in kormeeroyaal loo diro Dimishiq , iyagoo intaasi raaciyey in arimaha ka jira Suuriya  loo diro  golaha amaanka ee qaramada midoobay si ay go’aan uga soo saaraan.

Arintani waxa ay ka dembaysay markii wasiirada jaamacada carabtu  soo saareen qorshe  cusub oo  ku baaqaya  in Madaxweyne Bashaar Al-Asad  xilka ku wereejiyo ku xigeenkiisa , kooxaha mucaaridkana  todoba cisho  gudahooda kula  heshiiyo iyo in la dhiso dawlad wadaaga  ah, qorshahaas oo suuriya ku gacan sadhay.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net