Kormeerayaasha EU oo markii 3aad laga horjoogsaday Crimea!

Crimea(SLPOST)Koox ka socota hay’ada amniga iyo iskaashiga ee Midowga Yurub [OSCE] ayaa markii sadexaad loo diiday inay kormeer ku tagaan gobalka Crimea ee koonfurta dalka Ukraine.

osce_diidmo_crimea

Maleeshiyo hubeysan oo ah kuwa taageera Ruushka ee fadhigoodu yahay gobalkaasi Crimea ayaa rasaas digniin ah ku riday kolanyadii ay la socdeen guddiga ka socda hay’ada OSCE oo isugu jira shibil iyo saraakiil militari oo aan hubeysneyn.

Kooxdan ka socda Midowga Yurub ayaa maalintii sadexaad isku dayey inay u gudbaan jasiirada Crimea balse waxaa markale laga hor istaagay buundada isku xirta wadanka Ukraine iyo jasiirada Crimea oo ay hada la wareegeen ciidamada Ruushka iyo taageerayaashooda.

Cidna waxna kuma noqon rasaasta lagu riday wafdigan kormeerka ku socday, wuxuuna falkan ku soo beegmayaa xili Midowga Yurub iyo Maraykanka sheegeen inay cunaqabateyn kusoo rogayaan siyaasiyiinta Ukraine iyo Ruushka ee ka danbeeya xiisada ka taagan gobalkaasi Crimea.

SOMALILANDPOST.net

Somalilandpost/Hargeysa/Office