Kooxo hubeysan oo 69 qof ku diley Nigeria

Nigeria(SLPOST)Ugu yaraan 69-qof ayaa lagu dilay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday tuulooyin ku yaalla gobolka Katsina ee Waqooyi galbeed dalka Nigeria.

rahimi ss

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in daraasiin dabley hubeysan oo aan la aqoon haybtooda oo watay mootooyin ay soo weerareen tuulooyinka isla markaana ay tooganayeen cid walba ay arkaan.

Dadka la waayey waxaa u badan Caruur iyo haween rayid ah. Weeraradaan ayaa laga fogeeyay in ay ka dambeeyaan kooxda Boko-Haraam ee Islaamiga.

Waxaa loo maleynaaya in ay ka tirsan yihin qabaa’ilka Fulani oo muran soo jiray uu kala dhexeeyo Beeralayda deegaanka.

Shacabka reer Nigeria ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Goodluck Jonathan in uu ka gaabiyey in uu wax ka qabto weerarada kooxda Xagjirinta ku leynayaan dadka rayidka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland