Kooxo Hubaysan oo Maanta Weerar Gaadmo ku Dilay Hal Qof, Laba Kalena ku Dhawaacay Deegaanka War-yuugle ee Itoobiya

War-yuugle  (SLpost)- Kooxo Hubaysan hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen, ayaa maanta gelinkii dambe hal qof ku dilay, laba kalena ku dhawaacay deegaanka loo yaqaanno Gadhka War-yuugle oo dhinaca Koonfur-Galbeed ka xiga degmada Xarshin ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Kooxdan oo la sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen dadka deegaankaas, ayaa sida wararka aanu helnay tibaaxeen, waxa ay toogasho ku dileen Marxuum lagu magacaabi jiray Ina  Cabdi Meygaag oo lagu naanaysi jiray Dhakuuke halka laba qof ee dhaawacyadu soo gaadheen lagu kala magacaabo Ina Mawliid Xiis iyo Ina Siciid Daahir.

Dhinaca kale, Dadkan dhaawaca iyo Dilka ay maanta Maleeshiyadaasi ugu gaysteen Gadhka War-Yugle ayaa ka soo Jeeda beeshii ay Ciidamada Liyuu Booliska dadka kaga laayeen tuulada Cilmi Xirsi, waxaana Wararka aanu ka helayno deegaanadaasi sheegayaan inay halkaas ka taagan tahay xaalad cakiran oo weerarkani sababtay, iyada oo laga cabsi qabo inuu halkaas ka qarxo dagaal Khasaare ka dhasho.

Weerarakan ay fuliyeen dableyda Hubaysan, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay magaalada Jigjiga ku xidh-xidhan yihiin Odayaal iyo Wax-garad ka soo jeeda deegaanka, kuwaas oo ciidanka ismaamulka Kililka Shanaad u soo qab-qabteen Baraago laga qoday Deegaankaas oo marki dambena la burburiyey.

Deegaanka weerarkani ka dhacay, ayaan wax badan ka fogeyn tuulada Cilmi Xirsi oo sanadkii hore dagaal ku dhex maray ciidamada Liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida iyo Shacabka deegaankaasi, halkaasi oo sida la xasuusan yahay khasaare badani ka dhacay.

SOMALILANDPOST.NET