Kooxda Xiddigaha Geeska oo xilkii ka qaaday Guddoomiye Laabsaalax iyo Sababaha loo aaneeyey

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Fulinta ee Kooxda Fanaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen ku shaaciyey inay Xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Kooxdaas Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax).

LaabsaalaxSababta ay goaanka u qaateen Guddigu ayay ku sheegeen inay gaadheen kaddib markii guddoomiyuhu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday. Waxaanay beddelkiisa guddoomiye ugu doorteen xoghayihii Kooxdaas ahna Alfanaan Maxamed Axmed Bakaal (Cirro).

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( laab saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.
Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)

ALLAA Mahad Leh

Guddida Fulinta Kooxda Xidigaha Geeska