Kooxda Boko Haram oo mar kale Af-duubtay Tobanaan Dumar ah

Lagos (SLpost) Malleeshiyaad hubaysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, ayaa Woqooyiga-Bariga Dalkaas ka af-duubay 20 Dumar ah, halkaas oo ay laba bilood ah ka hor ka af-duubteen 200 oo hablood oo Arday ah.

abukorGoobta uu Af-duubku ka dhacay oo ah deegaanka ku yaala Dhulka magaalooyinka ka durugsan ee gobolka Borno, waxa weeraray maleeshiyaad hubaysan oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Boko Haram, kuwaas oo kaxaystay 20 haween ah oo la sheegay ina dhammaantood yihiin hooyooyin guryahooda lagala baxay, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa mid ka mid ah hoggaamiye-dhaqameedka deegaanka falku ka dhacay.

“Wararka aanu haynaa waxay sheegayaan inay koox dablay ahi abbaaro Duhurkii ka af-duubeen tuulada Garkin Fulani 20 haween ah, waxaanay tuulada kaga tageen saddex nin oo dhalinyaro ah si ay u ilaaliyaan inaanay cidi ka daba-tegin,” sidaa waxa AFP u sheegay Urur deegaanka ka hawl-gala, waxaanay intaas ku dareen, “Ragga deegaanku waxay ku maqnaayeen duurka oo waxay la joogeen lo’dooda markii afduubku ka dhacay tuulada.”

Ilaa immika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda af-duubkaas, mana jiro raad muujinaya goobta la geeyey hooyooyinka guryahooda laga kaxaystay, haseyeeshee waxa jira warar is-khilaafsan oo ka soo baxaya tirada rasmiga ah ee dumarka la kaxaystay.

Sarkaal ka tirsan Dallad ay ku bahoobeen dadka dhaqda Lo’a ee Qabiilka Fulani, ayaa isagu tiradooda ku sheegay inay gaadheen ilaa 40 isla markaana la saaray baabuur aan ilaa immika la aqoonsan goobta ay u dhaqaaqeen.

“Afduubka haweenka ee noocan ah oo madax-furasho laysweydiisto way ka jirtaa deegaanka, ilaa aanu lo’dayada madax-furasho u bixinno, lama sii deynayo, laakiin dadka deegaanku waxay ka cabsi qabaan inay ka hadlaan. maxaa yeelay kooxaha Islaamiyiintu way ka aar-goosanayaan,” ayuu yidhi Sarkaalkani.

Af-duubka noocan ah ee lagu sameeyo haweenka Qabiilka Fulani ee dalka Nigeria oo inta badan madax-furasho lagu doono, ayaa la sheegay inay fuliyaan malleeshiyaad ku gaashaan baabuurta dheereysa ee milatarigu isticmaalaan, kuwaas oo marka ay tuulooyinka tagaan u sheegta inay yihiin Askarta dawladda, waxaana qaabkan oo kale lagu afduubay 200 oo hablood oo ka baranayey dugsi ku yaala deegaanka Chibok ee gobolka Borno oo ku yaala Woqooyi-bariga dalka Nigeria.

SOMALILANDPOST.NET