Kooxda Boca Haram ee ka dagaalanta Dalka Nigeria oo Qudha ka goysay Afhayeenkoodii

Lagos, 15 April, 2012 (SLpost)- Kooxda Boko-Haram ee dalka Nigeria ayaa la sheegay inay Dileen Afhayeenkoodii cusbaa Abu Qacqaaca Labaad, ka dib markii la helay warar tuhun ah oo tilmaamaya inuu ku talo jiray inuu kooxda ka goosto.

Wargayska Sunday Tribune ee ka soo baxa dalka Nigeria ayaa saaka daabacay in Abuu Qacqaac Labaad uu ka baqay in uu bartilmaameed u noqdo ciidamada ammaanka isla markaana la dilo, taasuna ay keentay inuu isku dayo inuu ka baxsado kooxda, ka dibna ay ilaaladiisu toogasho ku dileen.

Sida la ogyahay Abuu Qacqaac waxa uu had iyo jeer saxaafadda ugu warami jiray goobo qarsoodi ah oo aan la cayimin, isagoo sheegan jiray inay kooxdu ka dambayso qaraxyada iyo dilalka ka dhaca inta badan dalkaasi Galbeedka Afrika ku yaalla ee Nigeria.

SLpost News/Hargeysa