Kooxda Al-Shabaab oo soo dhaweeyay geeridii Mucammer Al-Qadafi

Muqdisho, (SLpost)- Cajalad maqal ah oo shalay laga baahiyey warbaahinta ku hadasho codka Al-Shabaab ayuu kaga hadlay hogaamiyaha ururkaasi Axmed Godane dagaallada ay kula jiraan ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda TFG, isla markaana waxa soo dhaweeyay dilkii lagu khaarajiyay Mucammer Al-Qaddafi.

Amiirka Al-shabab, Sheekh Mukhtar Abu Zubeyr oo magaciisa saxda ahi yahay Axmed Cabdi Godane ayaa ugu hambalyeeyay dadka Liibya dilka hogaamiyihii hore ee dalkaas oo Khamiistii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Sirte. Waxa uu sheegay inay shacabka Liibya laabeen bog mugdi ahaa oo u furnaa mudo 42 sanadood ahayd, isla markaana ay furteen bog kale oo cusub, isaga oo ku tilmaamay Al-Qadaafi hogaamiye keligii-talis ahaa.

Dhinaca kale, waxa uu Axmed Godane waxa uu  hambalyeeyay dagaalyahadana Al-Shabab iyo dadka ku nool degmada Dayniile dilka askartii AMISOM ee ay maydadkooda soo bandhigeen, waxaanu sheegay inay sii wadi doonaan waxa uu ku tilmaamay jihaadka. Abu Zubeyr waxa la sheegay inuu u duceeyay qabiilka dega Degmada Dayniile, isaga oo ku amaanay siday uga qaybqaadanayaan dagaalka maalintii saddexaad ka socda Dayniile oo ay Al -Shabaab isaga caabinayaan weerar ay ku qaadeen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.

“Waxa heegan la geliyay dagaalyahanada Al-shabaab ee gobollada aanu maamulo, si looga hortago dagaal ka soo wajahan cadowga,” ayuu yidhi Axmed Godane oo loo yaqaano Abu Zubeyr. Hadalkiisan ayaa ku soo beegmay xilli kooxda Al-shabaab ay dagaalo kaga furan yihiin jihooyin kala duwan oo ay ugu xoog badan tahay Muqdisho.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net