Kooxda Al-shabaab oo Mootooyinka Bajaajka ah Muqdisho ka Mamnuucay

Muqdisho (SLPOST) Mootooyinkaan oo Labadii Sano ee ugu Danbeeyey ku soo batay Magaalada Caasimadaa ee Muqdisho ayaa waxaa ay Noqdeen kuwo intabadan ku faafay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

cali dheere

Sido kale horjoogaha Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Max’ed Xuseen “Cali Jabal” ayaa sheegay in Mootooyinkaasi aysan ka Shaqeyn Karin Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin Hiliwaa iyo Deyniile.

Cali Jabal ayaa sheegay in Mootooyinkaasi ay leeyihiin Dad Cadaw ah, oo Dowladda Federaalka la Shaqeeya, waxaa uu Xusay in ay dalka u Joogaan Basaasnimo sida uu sheegay.

“Waa dil Cidii Wadata Mootooyinkaas oo aan Qabano,Waa Basaasiin Cadawga u jooga Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa Raaca inta badan” Ayuu yiri Cali Jabal.

Si kastaba ha ahaatee maleeshiyada Kooxda Al-shabaab oo lagu yaqaano Burburinta Hormarka u madda Soomaaliyeed ayaa Dhawaan Warqado Digniin ah ku Daadiyey Degmada Hiliwaa oo ay Dadka oga Dalbanayaan in Goobahooda Ganacsi ay Xiraan oo Ciidamada Dowladda aan waxba laga Gadin.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland