Koox Hubaysan Oo Waareera Ku Qaaday Qalabkii Diiwaangalinta Ee Gobolka Sool (SAWIRRO)

Lascaanood (SL.Post) Koox  hubaysan,  ayaa saaka weerar ku qaadeen goob diwaangalineed oo ku  magaalada Laascanoood

q1

Goobtan diwaangalineed ayaa aheyd mid ku  hadhsanayd gudaha magaaladda Laascaanood  isla markaana waxaa ay Kooxdani  la wareegtay  guud ahaanba qalabkii goobta yaalay

q2

Waxaana la sheegaya in qalabka ay kooxdu la wareegtay in ay kamid yahiin Kaambayuutaro , Waraaqaha diiwaangalinta , birintaro iyo qalabkale oo diiwaangalineed oo lagu reebay gudaha Magaalada Laascaanood ka dib markii uu dhamaaday wajigii hore ee diiwaangalintu .

q3

Goobtani oo ka mid ahayd , goobaha wareegayay ee loogu talogalay in dadweynuhu wakhti u helaan inay isdiiwaangaliyaan ayaa guud ahaanba qalabkeeda la dhacay , waxaana kooxdu saaka kusoo bandhigeen goob ka baxsan magaalada laascaanood .

q5

 

Somalilandpost.Net