Kooxaha Manchester United iyo Tottenham oo carraabiyey dhiggooda Chelsea iyo Liverpool

Hargeysa, (SLpost Sports)– Kooxda Manchester United ayaa hogaanka haatan ku heysa 15 dhibcood, waxaana ku soo xigta kooxda Manchester City oo fursad ay heysatay iska khasaarisay .

ManchesterCityayaa labo gool kaga hormartay kooxda Fulham oo marti ay u ahaayeen, waxaana labadaasi gool u saxeexay laacibkooda Sergio Aguero.Laakiin labo gool oo ay qaybtii danbe ee ciyaarta dhaliyeenZamoraiyo Murphy ayay Fulham ku barbareysay kooxda Sky Blue oo haatan leh 13 dhibcood.

Waxaana shan kulan oo la ciyaaray ka dib kaalinta 3aad ku jirta kooxda Chelsea oo haatan guuldarada ay ka soo gaadhay Man United oo leh 10 dhibcood.Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah kali ugu noqotay hogaanka Premier League ka dib markii ay kulankoodii shanaad oo isku xiga ay badiyeen, Chelsea ayay 3-1 ku garaaceen ciyaar xamaasad laheyd oo ka dhacday garoonka Old Trafford.

90-daqiiqo oo waali ah ayaa ka dhacday Old Trafford, labada kooxood eeChelseaiyo United waxaa ka go’ neyd inay weeraro qaadaan, malaayiinta caalamka ka daawaneysayna waxaa abaalmarin lagu siiyay ciyaar xiiso laheyd oo daawashadeyda ay aad u sareysay.

Chris Smalling iyo Nani ayaa United 2-0 hogaanka ugu dhiibay ka dib ciyaarta oo 37 daqiiqo socota, inkastoo labadoodaba ayChelseaku doodeen inay offside ku jireen. Wayne Rooney oo ay u saaran tahay xilli ciyaareedkan ayaa goolka 3aad dhaliyay wax yar ka hor dhammaadka qeybtii hore ee ciyaarta.

Fernando Torres ayaa ugu jawaabay 30 ilbiriqsi oo ay socotay qeybta labaad goolkiisii labaad ee 24 kulan oo uu u saftay kooxda Chelsea, laakiin marka laga soo tago goolkaas, waxa uu cajab ku dhigay goolkii uu khasaariyay oo muran la’aan noqon kara mid ka mid ah goolashii la khasaariyay kuwii ugu xumaa ee Premeir League.Rooney ayaa heli karay seddexlediisii saddexaad ee seddex kulan oo isku xigta, isagoo iska khasaariyay rikoodhe aheyd mid ka mid ah rigoorayaaashii ugu qaabka darnaa intii Premier League la ciyaarayay.

Dhanaca kale, Kooxda Liverpool ayaa gadhka loo geliyay guuldaradoodii labaad ee iyagoo marti ah ka dib qaab ciyaareed aan dishibiliin badan laheyn ay u keentay inay 9 ciyaaryahn ku soo hadhaan taasoo sababtay in afar gool iyo waxba ay kala kulmaan kooxda Tottenham ciyaar ka dhacdayWhite Hart Lane.

Inkastoo Kenny Dalglish uu dhawaan ka hadlay sida xun ee ay garoosarayaasha u la dhaqmaan kooxdiisa, isagoo la kulmay madaxa garsoorayaasha Ingariiska Mike Riley oo uu cabashadiisa u gudbiyay, hadana kulankii maanta Liverpool iyadaa gacmaheeda isku goysay.Tottenham ayaa hogaanka sii qabatay gool qurux badan oo uu dhaliyay Luka Modric markii Charlie Adam la siinayay hurdigiisii labaad ka dib 28 daqiiiqo oo ay ciyaarta socotay, waxaana qaladkaasi uu ku galay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Spurs Scott Parker.Martin Skrtel ayaa isna casaan qaatay daqiiqadii63aad ee ciyaarta markii uu Gareth Bale jaalihii labaad ku qaatay. Spurs ayaa markaas ka faa’ideysatay iyagoo dhaliyay goolal degdeg ah oo isku xiga oo ay kala dhaliyeen Jermain Defoe iyo Emmanuel Adebayor.

Somalilandpost.net

Sports News Editor

Contact@somalilandpost.net