Koox Dhallinyaro ah oo Booyad ku Rasaaseeyay Jidka Berbera iyo Hargeysa u Dhexeeya

Berbera(SLpost)-Booyad shidaal oo shicib leeyahay islamarkaana mareysay wadada deegaanka Daray-godle oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta koox dhallinyaro ahi ay rasaas la dhaceen, sida gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera Fahmi Cabdi Bidaar uu VOA u xaqiijiyay goor dhoweyd.

 

Waxaa kaloo gudoomiyuhu xaqiijiyey in rasaas kale iyana ka dhacaysay saaka wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada sheekh.

 

Wuxuu intaa ku daray gudoomiyuhu inay garanayaan dhallinyarada wadooyinka ka baxa berbera rasaasta ka rideysa, oo imikaba ayuu yidhi ay ciidamo Booliis oo ka soo kala baxay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad joogaan dhallinyaradaasi.

 

 

Rasaasayntan ayaa daba socota ama ka shidaal qaadanaysa shan nin oo ka soo jeeda dadka deegaanka Berbera oo midkiiba min hal bil oo xadhig ah ay ku xukumeen gudiga nabad gelyada ee gobolka Saaxil iyo wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera, sida uu u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolku Fahmi Cabdi Bidaar.

 

 

Guddoomiyaha ayaa sababta raggaa hore loo xidhay ku sheegay inay tahay iyagoo abaabul ciidan ka waday wadooyinka ka baxa magaalada Berbera.

 

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadweynaha deegaanka Berbera badidoodu ka soo horjeedaan go’aanka xukuumaddu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera shirkado ganacsi oo aan tartan furan u soo marin, iyadoo Baarlamaankuna hore cod aqlabiyad ah uu ku diiday wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera. Balse guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in aan cidna loo joojinayn ee arrinta haamuhu sidaa ku dhan tahay.

 

 

Somalilandpost, Hargiesa Office, 2015