Koonfurta Suudaan oo Caasimadda Juba ka guuraysa

Juba (SLpost)- Dawlada caalamka ugu da’da yar ee koonfurta Suudaan ayaa si rasmi ah u shaacisay in caasimaddii hore ee Juba oo ahayd magaalo madaxdii ugu horaysay ee dalkaas dhawaan loogu wanqalay ay ka guurayso oo dalkaasi yeelan doono caasimadd cusub.

Caasimadda cusub ee dawlada Koonfurta Suudaan u guurayso, oo ku taal badhtamaha dalka ayaa lagu magacaabaa Ramchel waxaanay caasimaddii hore u jirtaa ilaa 200-km, sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dawlada koonfurta Suudaan oo uu ku saxeexnaa afhayeenka xukuumadda Barnaba Marial.

Afhayeenka ayaa sheegay in shir golaha dawladu ku kulmay maalintii sabtidii oo uu guddoominayay madaxweynaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir lagu go’aamiyay meesha rasmi ahaan laga dhigayo caasimadda dalka Suudaan, si meesha looga saaro hadalada ku-tidhi ku teenta ah ee la isla dhex marayay maalmihii ugu danbeeyay.

Barnaba Marial afhayeenka xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa sababta caasimadda looga rarayo magaalada Juba sheegay inay ka dhalatay degaanadii magaaladu ku fidi lahayd oo ay gabi ahaanba ooteen oo ay xidheen qabiilka degaanka Juba leh ee lagu magacaabo “Albaraa” kuwaas oo wada hadalo dheer oo xukuumaddu la gashay ay ku dhamaadeen guul daro, natiijo rasmi ahna la isla gaadhi kari waayay, sidaa daraadeed la xaqiiqsaday in korodhka iyo baaxada magaaladu halis ku jirto.

Xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa wakhtiyadii u danbeeyay ku hawlanayd sidii qabiilka dega magaalada Juba loogu qancin lahaa inay dhul u baneeyaan dib u dhiska iyo dadka maal gashiga samaynaya ee doonaya inay magaalada soo degaan, hasa yeeshee Qabiilka Albaraa ayaa ku gacan saydhay codsigaas si adagna u diiday inay u hogaansamaan, taas oo ugu danbayntii dhalisay in gabi ahaanba laga guuro oo caasimadda dalka meel kale loo badalo.

Sida golaha xukuumadda koonfurta Suudaan isla qaatay ka guurista magaalada Juba ayaa socon doonta muddo sadex ilaa shan sanadood gudahood ah, waxaana caasimadda cusub ee Ramchel laga hir galin doonaa dhamaan dhismayaashii xukuumaddu ku shaqayn lahayd iyo kaabayaashii dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada si ay caasimadd rasmi ah u noqoto.

Baddelaadda caasimadda koonfurta Suudaan iyo dhego adayga qabiilka dega magaalada Juba ayaa dhaliyay su’aalo badan oo caalamku iska waydiiyo sida ay koonfurta Suudaan u noqon karto dal dimuqraadi ah oo kala danbaynta iyo maamul wanaagu ka hir galaan, maadama oo muddo sanad ka yar ay dhacayaan waxyaabahan oo kale.

Somalilandpost08@gmail.com

Somalilandpost08@gmail.com