Koonfurka Afrika Oo Miletari U Adeegsanaysa Rabshadaha Isir-nacaybka Ah

Johannesburg, (SLP)-  Miletariga Koonfur Afrika ayaa la hawlgalinayaa si loo soo Afjaro, dagaaladda baahsan ee ka dhanka ah ajaanibKa, sidaas waxa sheegtay wasiirka difaaca Nosiviwe Mapisa-Nqakula.South

Sidoo kale, waxay sheegtay wasiirku in ciidammadaasi la dhigi doono magaalada Johannesburg, iyo meelaha ay rabshadaha ugu badan ka dhacaan ee gobolka KwaZulu-Nata.

Talaabadan ayaa noqon doonta ciidammadii ugu horeeyay ee la hawlgaliyo tan iyo markii ay bilaabmeen rabshadahaasi oo ay ku naf waayeen ugu yaraan todobo qof.

Koonfur Afrika waxa ay weeraradaasi kala kulantay dhaleecayn iyo jawaabo ay u soo direen wadammada Afrikaanka ah ee dadkooda isir ahaan loo beegsanayo.

Mapisa-Nqakula waxay weriyeyaasha u sheegtay in dad badani ay soo dhaweyn doonaan go’aankaas ciidammada lagu gaynayo goobaha dhibaatooyinku ka dhaceen.

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay in miletarigu aanu la wareegaynin masuuliyaddii booliska balse ay gacan ka gaysan doonaan xasilinta dalka.

Wasaaradda difaacu waxa kale oo ay tilmaantay in ciidammadaasi la hawlgalin doono xilli ku beegan makhribnimada maanta oo u dhiganta 5 galabnimo ee bariga Afrika

 

Somalilandpost.net