Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Qalab Diiwaangelinta u Muhiim ah Dalka Keenay

Hargeysa(SLpost) – Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inuu dalka soo gaadhay qalab muhiimu ah diwaangalinta iyo doorashada 2017-ku sidii ay si hufan ugu qabsoomi lahayd.

 

Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:-

 

Salaasadii oo ay  Bisha November ahayd 10/2015 waxa si rasmi ah u soo gaadhay gegida diyaaradaha ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeisa qalabkii lagu gelaayey diiwaan gelinta codbixiyaha doorashooyinka.

 

Qalabkan oo laga soo raray caasimada dalka Demark, halkaas oo mudo hal todobaad ah ay ku maqnaayeen labada komishaneer ee kala ah Abdirahman Cisman Aadan iyo Saciid Cali Muuse oo ku hawlanaa soo rarista qalabkan iyo eegistooda ayaa maanta si Rasmi ah u soo gaadhay dalka.

 

Qalabkan oo ah qalab casri ah looguna talo galay in lagu galo diiwaangalinta codbixiyaha doorashooyinka, ee dalka ka bilaabanaysa waxa gudoomay xubno komishanka qaranka ka tirsan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha komishanka qaranku Eng. Cabdiqaadir Iimaan warsame.

 

Gudida kommishanka oo la hadlay saxaafada ayaa sharaaxaad kooban ka bixiyey qalabkan casriga ah ee diiwaan gelinta lagu gelaayo kaas oo qabanaya dadka isku daya inay mar wax ka badan is-diiwaan geliyaan ama codeeyaan. Waxay kaloo sheegeen inay manta komishanka qaranka iyo guud ahaan dalkaba u tahay maalin qiimo leh muujinaysana sida ay uga go’antahay kommishanka doorashooyinku in ay hirgeliyaan diiwaangelin dhamaystiran kana dhacda dalka Jamhuuriyada Somaliland oo dhan.