Komishanka Doorashooyinka oo Tababar U soo Xidhay Shaqaale Ka Tirsan Waaxda Komishanka ee Gobolka Togdheer

 

 

 

Hargeysa(SLpost)-Axaddii Shalay oo waxa tababar ugu xidhmay magaalada Hargeisa 13 qof oo ka tirsan shaqaalaha Komishanka ee Gobolka Togdheer. Tababarka oo lagu qabtay xarunta Komishanka Qarnka ayaa waxa ujeedadiisu ahayd u diyaar-garowga Diiwaangelinta dhowaan ka dhacaysa Jamhuuriyada Somaliland.

 

Ujeedada tababarkan ayaa ahaa in Shaqaalaha Komishanka ugu hawl gelaya Degmooyinka Gobolka Togdheer lagu tababaro sidii ay u waajihi lahaayeen hawlaha kala gedisan diiwaangelinta la xidhiidha. Tababarkan oo bilowday Sabtidii, oo laba maalmood ahaa, ayaa wax ka qayb galay xubnaha Komishanka ee degmooyinka Burco, OOdwayne iyo Buuhoodle.

 

Sida laga warqabo Gobolka Togdheer ayaa ah Gobolka ugu horeeya ee

Diiwaangelintu ka bilaabanayso dhawaan, iyadoo wacyi-gelintuna ka horayn doonto. Waxa tababarkani horseed u yahay tababaro is-daba joog ah oo loo qaban doono dhamaan masuuliyiinta KDQ ee heer Gobol iyo mid degmo ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxa aannu ka helnay warkan Warsaxaafadeed uu Komishanku soo saaray. Waxa mar dhawr jeer oo hore komishanku ku dhawaaqay in la bilaabayo ololaha wacyigelinta codbixiyaasha kaas oo aan ilaa imika la bilaabin, tababarkan ayaa noqonaya hawshii koowaad ee laga bilaabo gobolka Togdheer taasi oo tababarka shaqaaluhu yahay waxa koowaad ee shaqada laga qabto. Komishanku wali muu sheegin wakhtiga rasmiga ah ee doorashadu bilaabmayso.