Komishanka Doorashooyinka oo ka Noqday Go’aankii ay ku Shaaciyeen Dib-u-tirinta Codbixintii Degmada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday inay ka noqdeen dib-u-tirinta natiijadii codbixinta degmada Hargeysa iyaga oo sheegay in ka gar-naqista Arrintaas ay u gudbinayaan Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex si loogu kala baxo tabashooyinka laga tirsanayo natiijadaas.

Guddida Doorashooyinka oo maanta Warsaxaafadeed ay soo saareen ku shaaciyey go’aan labaad oo ay ka qaateen natiijada doorashada degmada Hargeysa, waxa ay sheegeen in in xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen go’aankii ay guddi ahaan gaadheen ee dib-u-tirinta codadka Hargeysa.

Warsaxaafadeed Komishanku arrintan ka soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Eng Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa u Qornaa sidan:

 “Guddida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay u dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiillada xisbiyada iyo goob-joogeyaal caalami ah iyo kuwo Maxalli ahba.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashada ee degmada Hargeysa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmada, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee Faraweyne oo ah degmo-doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa.

Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiillada xisbiyada iyo ururradda siyaasadda.

Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyada, ururadda iyo Murashaxiinta.

Komishanku waxay kula talinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa.

Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weyn-na ay adduunka kaga yeelatay la dhawro.”

Go’aankan labaad ee Guddida Doorashooyinku ka dabo-keeneen go’aankii ay ku shaaciyeen in dib loo tirinayo codadka degmada Hargeysa, ayaa ka dambaysay ka dib markii Xubno muhiim ah oo ka tirsan Ururrada bulshada Rayidka ah oo shalay Kulan saacado ah la qaatay, ay kula taliyeen inay go’aankoodaas hore ka noqdaan isla markaana cabashada la xidhiidha natiijada doorashada u gudbiyaan Maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Eng Ciise Yuusuf Xamar oo todobaadkan shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Guud ee Komishanka, waxa uu ku shaaciyey inay Guddi ahaan go’aansadeen in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay degmada Hargeysa si loo qanciyo tabashooyinka ku-dhawaaqista natiijada ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aankan dambe oo Guddida la gudboonaa inay Markii hore u maraan ka jawaabista tabashada ururrada iyo xisbiyada, ayaa bedka soo dhigay heerka go’aan-qaadasho ee Komishanka doorashada la deriska ah iyo habacsanaanta ay ku maamuleen doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net