Kofi Annan oo Baaq u Jeediyey Shacabka Kenya iyo Siyaasiyiinta ku loolamaysa Hoggaanka Dalkaas

New York (SLpost)- Xoghayihii  hore ee Qaramada Midoobay  Mr. Kofi Anan, ayaa madaxda  iyo siyaasiyiinta dalka Kiiniya u diray dhambaal  uu kaga  dalbaday  in doorashada guud ee dalkaas ka qabsoomi doonta todobaadka dambe lagu gudo-galo nidaam xor iyo xalaal ah.

Kofi-Annan1Dhambaalkan  uu diray Mr. Kofi Anan,  waxa uu shacabka dalkaas uga digay, in aanay dalkooda dib loogu celin ayaamihii madoobaa ee Xasuuqa sababay markii lagu  murmay doorashadii guud ee sannadkii 2007-dii dalkaas ka dhacay.

Mr. Anan oo  hormood ka ahaa xalinta murankii siyaasadeed iyo dajinta  xaalada murugsan ee dalkaasi ku timi  doorashadii hore,  ayaa dar-daraankiisani ku arooraa dareen Cabsi leh oo la tuhunsan yahay inay xaalad kacsanaan ahi ka dhex aloosan  tahay  garabyada axsaabta siyaasadda dalkaas,  iyadoo  la  helay  waraaqo loogu  hanjabayo madaxda  garsoorka dalkaasi iyo  siyaasiyiin kale oo aad looga yaqaano Kenya.

SOMALILANDPOST.NET