Kijaandhe Oo Ka Hadlay Kullankii Shalay Dhex Maray Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Musharixiinta Kulmiye Qaarkood

 

 

Hargeysa(SLpost)-Murashaxa  Madaxweynaha ee Xisbiga Tallada Haya ee Kulmiye Xildhibaan  Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay kulankii shalay dhex maray Madaxweyne ku xigenka Somaliland iyo murashixiinta kulmiye qaar oo uu isaguna ka mid ahaa.

 

Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo u waramay  Wargeyska Saxansaxo Xalay, ayaa waxa uu ku eedeeyey Muuse Biixi inuu Samaysanayo Gole dhexe oo uu isagy leeyahay, waxaanuu uga digay in la siiwado bixinta kaadhadhka Kulmiye ee Golaha dhexe.

 

Xildhibaan Kijaandhe oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Shirkaasi midho dhal muu ahayn, kumanaanaan soo kala kicine dib ayaanu uga ballannay shir dambe, waxaanu ka hadlaynay murashaxan Kulmiye Guddoomiyaha u ah ee Kaadhadhka bixinaya ee warbaahinta ka sheegay ee Xubnihii Golaha dhexe ka baxay bedelaya, taas oo ah mid aan sharciga waafaqsanayn, Nin Musharax ah ayaa Golihii dhexe isagu samaysanaya oo abuuranaya gole dhexe oo uu isagu leeyahay, taas ayaanu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka oo aanu uga digaynay, waxaanu la kulanay Madaxweyne ku xigeenkii oo isaguna murashax ah Madaxweynihii dalkana ah oo ku simihii ah, hogaankii xisbigana ka tirsan, ayaanu u sheegaynay arrintan”

 

Murshax Kijaandhe oo hadalkiisa sii wata iyo waxa ay yeelanayaa haddii laga diido dalabkooda waxa uu yidhi “Waxaanu nagu yidhi Caawa (Xalay) ayaanu is arkaynaa hogaanka Xisbiga oo go’aan ka gaadhaya arrintan ayuu nagu yidhi, anagana noomay cuntamin arrintaasi waananu eegaynaa waxa ka soo baxa,tan la aleeyahay kaadhadhka keena Guddiqaban qaabo ayaa eegaysa, Murshaxa Xisbiga ee isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga shaqadiisa ma aha taasi, Liiska Golaha dhexena ma aha kii ay Maxkamaddu go’aamisay oo dad ayaa ka baxay, ama Waddani galay, ama dhintay ama shaqooyin kale helay, markaa isaga ayaa bedelaya oo dad dhiiga laga qaaday haddii aydaan muuse taageersanayn idin siinmaayo ayuu odhanayaa, waana dadka lagu buuxinayo ciddii ka baxday liiska sharciga ah, waxa la isku hayaana waxa weeyaan taas iyo metelen xubin golaha dhexe ah ayaa Wasiir noqotay nin kale ayuu siinayaa oo uu isagu leeyahay, haddii ay diidaanna Maxkamadda ayaanu tegaynaa, markaa kulankaas wax wanaagsani kama soo bixin”