Kiiniya oo Maxkamadda ICJ u Gudbisay Caddaymo La Xidhiidha Muranka Badda ee Soomaaliya u Dhexeeya

 

Nairobi(SLpost)-Xukuumadda Kenya ayaa u gudbisay QM caddaymo la xidhiidha muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Somalia, iyadoo xukuumadda Kenya ay doonayso in murankan lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu soo daabacay shalay oo Jimce ah ku sheegay in caddeymahan oo uu gudbiyay xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya, Githu Muigai ay yihiin xog la ururiyay toddobadii sano ee lasoo dhaafay.

“Maxkamadda ICJ waxaan u gudbinnay xogta rasmiga ah ee la xidhiidha xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa, si loo caddeeyo xuduudda,” ayuu yidhi xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Kenya ayaa sheegay in xuduudda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayna ahayn sharcigii xuduudda badda ee la dajiyay sanadkii 1980-kii, balse ay tahay mid taas ka duwan, isagoo warkiisa raaciyay in xuduuddooda ay tahay qaab saddex-xagal ah oo qiyaastiisu tahay 100,000-KM oo bariga xeebta dalka Kenya ku aaddan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Kenya ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in xuduudan ay tahay mid ay heshiis kula galeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray sannadkii 2009-kii, taasoo ay ku doonayeen in lagu xaliyo muranka badda ee u dhexeeya labada wadan. Isagoo intaas ku daray inay arrintan oo kale ay hore uga dhacday badda ay waddanka Tansaaniya la wadaagaan, sidaan oo kalena lagu xalliyay sanadihii la soo dhaafay.

“Dacwaddii ay maxkamadda ICJ u gudbiyeen xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia iyo wafdigii uu hoggaaminayay waxay ahayd mid aan fadhiyin. Cadeymaha dacwadda ay gudbiyeenna waa mid ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kawada hadleen sanadkii 2014-kii. Dacwadda ay dowladda Somalia gudbisayna waa mid ka hor-imaanaysa heshiiskaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Githu Muigai.

Kenya ayaa doonaysa in xadka badda uu ahaado sida ay iyadu u doonayso in uu ahaado oo ah in calaamadda xadka loo soo qalloociyo dhinaca Somalia, halka dowladda Somalia ay ku doodayso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Ugu dabmeyn, Xukuumadda Kenya ayaa waxayna doonaysaa in muranka xadka Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamad. Iyadoo dowladda FS ay dhawaan diiday in xeer-jajab lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhexeeya, ayna ku kalsoon tahay go’aanka kasoo baxa maxkamadda Qaramada Midoobay.

 

Somalilandpost, 2015