Khudbaddii Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedk Cusub ee Waddani uu ka jeediyey Madashii Wan-qalka

Hordhac

Bisimilaahi raxmaani raxiim, Alxamdulillaah, Wassalaatu Wassalaamu Calaa Rasuulillaah……….

Mudanyaasha Golaha Gurtida, Mudanyaasha Golaha Wakiilada, Madaxda Axsaabta Qaranka, Sulaadiinta,Cuqaasha, Madaxda Axsaabta Qaranka,  Culimaaudiinka, Siyaasisiyyinta iyo aqoonyahanka, Ururadda Bulshadda,  Ururada aan dawliga ahayn, Haweenka , Dhalinyaradaa,  saxaafadda   iyo dhamaan marti sharafta Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka salaamayaa salaanta islaamka Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa baraakatuhu waxaanan  si kal iyo laaba, qalbi muran, waji furan iyo niyad wanaagsan idiin ku soo dhawaynayaa walqasha urur-siyaasadeedka WADANI.

Barigii aynu dhalinyarada ahayn, inta i leeg baan sheegya, marka filim la galo ee uu dhamaanayo waxa hordhac la iska tusi jirya filimka habeen dambe la dhigayo waxaana la odhan jiray boorsaminto. Kulanka maanta waxa uu hordhac u yahay shirweynaha urur siyaasadeedka WADANI, oo aan fillimkii idiin soo bandhigi doono.

Mudanyaal iyo marwooyin

Maanta maalin wax ka sheeg maaha. Markaas annigu cidna wax ka sheegi maayo.

Tobankii sano ee dambeeyey waxaan ka mid ahaa asaasayaashii iyo mdaxda Xisbiga UCID waxaanse hortiina ka cadeynayaa inaan maanta iska casilay  xilkii aan ka hayey iyo xubinamdii Xisbiga  UCID kana  mid ahay aasayaasyaasha urur siyaasadeedka WADANI, markaan eegay Qod 5aad Faq 9aad, Qod 9aad Faq 2aad, Qod 9aad Faq 4aad, Qod 10aad, Qod 24 Faq 1aad iyo Qod 24 Faq 2aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxsaabta Siyaasadda lana tashaday garyaqaano oo ii cadeeyay in talaabadan aan qaaday ay waafaqsantahay Dastuurka iyo Xeerarka JSL ( Reference President EGAL).

Sidoo kale doodo dhaadheer ka dib, waxa mudanyaasha Golaha Wakiilada JSL ee ka soo baxay UCID, oo aan ka mid ahaa ,   een magacyadooda ku dhawaaqi doonaa go,aansadeen inay iska casilaan xubinamdii iyo xilalkii ay ka hayeen Xisbiga UCID kana mid noqdaan aaasayaasha Urur siyaasadeedka WADANI,

Md Bashiir X Xuseen Tukaale

Md Xaashi Xussen Caabi

Md Xuseen Maxamed Cige

Md Ibrahim Mahdi Buubaa

Md Cabdulqaadir Askar Xasan

Md Mahdi Cabdilaahi Maxamuud

Md Maxamed Baaruud Shide

Md Faarax Maxamuud Cabdulle

Md Siciid Maxamed Cilmi

Md Maxamed Faarax Qabile

Md Muuse Maxamed Ismaaciil

Md Maxamed Jaamac Cali Guuleed

Md Jaamac Xasan Adan

Md Nasir Xaaji Shire

Md Cabdilaahi Axmed Yusuf

BACKGROUND

2.       Sababaha   Dhalashada WADANI

  1. Ka garnaqii khilaafkii UCID, waxa Maxkamadda Sare JSL ka soo saartay Go,aan u qoraa sidan:
  • Waxay go,aamisay in dhamaan hay,adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/6/2006 ay muddo dhaaf yihiin jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku meel gaadh ah inta laga qabanayo shirweynihii Xisbiga.
  • Waxay maxkamadu go,aamisay in shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabto , laguna qabto muddo saddex bilood gudahood ah oo ka bilaabmeysa maalinta go,aankan lagu dhawaaqo, waxaanu shirweynuhu ka koobnaanayaa xubnihii ka qayb galay shirweynihii 2aad inta ka nool.
  1. Waxaa go,aanka maxkamada ku cadinayna jirin cid gaar oo loo xukumay ama la siiyey Xisbigii UCID.
  1. Waxaad mudanayaal iyo marwooyin  la socoteen  go,aanka ka dib  in aqlabiyad hogaankii, fulintii , Golihii dhexe,  masuuliyintii Gobolada iyo laamaha dibedda   ee UCID is casilayeen si joogta ah oo ay ugu dambeysay mudanyaashii Golaha Wakiilada ee UCID
  1. Waxaan ku qanacnay in xaaadaha qaarkood danta Qaranku ka mudan tahay wax kasta.
  1. Taas darteed  waxaan ku qanacnay in go,aanka maxkamadda Sare JSL iyo Go,aan asaaska urur siyaasadeedka WADANI  tixgeliyey kana horeysiiyey danta qaranka wax kasta.
  1. Go aanka lagu aasaasay urur siyaadadeedka WADNI wuxuu ahaa mid loogu tudhayna Dalka iyo Dadka una danaynayna xasiloonida iyo wadajirka bulshada Somaliland.

MISSION

  1. Muxuu u taaganyahayururka Wadani, Somaliland National Party?
  1. Wadani wuxuu u taaganyahay SUGIDA amniga Qaranka
  1. Waxauu u taaganyahay hagidda, hanka iyo hiigsiga muwaadiniinta  Somaliland gaar ahaan dhallinyarada.
  2. Waxauu u taagan yahay hirgalinta, himilooyinka Bulshada Somaliland higsanayso
  1. WADANI wuxuu u taagan yahay ka rumaynta riyada Muwaadinka Somaliland ee ah inay ka helaan ictiraaf bulshada caalamka
  2. Waxa uu u taagan yahay  gaadhsiinta Somaliland horumar dhaqaale.
  3. Wuxuu u taagan yahay ixtiraamka dastuurka iyo ku dhaqanka shuruucda( LAW & ORDER)
  4. Wuxuu taagan yahay taabo gelinta talo wadaag, wada noolashad , dulqaad iyo sinaanta muwaadiniinta .

MABAADIIDA  URUR-SIYAASADEEDKA WADANI

  1. 4.       Siyaasadda ururka
  1. Ururka Wadani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad Xariir ah kana muuqdo bisayl hogaaminadeed
  1. Ururka Wadani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah
  1. Ururka wadani wuxuu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir, isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo wadankeena Somaliland
  2. Siyaasadda ururka Wadani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf.
  3. Ururka Wadani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay talada wadanka uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka
  4. Siyaasadda Wadani waxa mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu.

URURKA WADANI IYO BAAHIYAHA  SOMALILAND

  1. UrurkaWadani waxa uu aaminsanyahay in Somaliland baahiyaheeda ugu weyniyihiin:
  1. Aqoonsi Caalamiya oo ay kaga mid noqoto bulshada caalamka si ay u hesho xuquuqdeeda ummadnimo una gudato waajibaadkeeda dawladnimo.
  1.  Midnimo dhexdeenna ah iyo gacmaha oo la is qabsado si aynu u noqonno qaran wadajira oo dan isku mid ah leh kana gudubno isu-fiirsiga hoose

  i.      Si Somaliland u hesho Aqoonsi caalamiya, waxay u baahantahay aqoon iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, iyo xidhiidho caalamiya. Ururka Wadani iyo hogaankiisu waxa uu haystaa khibraddaas, aqoontaas, waayo-aragnimadaas iyo xidhiidhkaas.

 ii.      Sidoo kale, si aynu u gaadhno midnimo dhexdeenna iyo isku-duubni, waxa loo baahan yahay hogaan leh sifooyinka midnimno, dhexdhexaadnimo isla markaana aan wadan  xajiin siyaasadeed, taasna waxa u taagan  ururka Wadani

 6.       Ururka Wadani waxa uu tixgalinayaa

         a .Xoriyada ,karaamada iyo qofnimada Wadaniga reer Somaliland.

         b. Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah.

         c. Dhamaan Xuquuqda Wadaniga reer Somaliland iyo Cidii la noolba.

7.       Balanqaadka Ururka  WADANI.

  1. Wuxuu WADANI   ummadda reer Somaliland u balanqaadayaa hogaamin toosan.
  2. Siyaasad Mudakara iyoXuquuq siman.

Waadmahadsantihiin

Allaa mahad leh