Khubaro Itoobiyaan ah oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka Caawinaya Kor-u-Qaadista Bilicda Caasimadda ee ay ku fashilmeen

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay magaalada Hargeysa soo gaadheen khubaro Itoobiyaan ah oo dejinaya qaabka loo qurxin doono Caasimadda Hargeysa.

Md Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay warbaahinta qaarkeed kula hadlayey Golaha Wakiillada oo uu ku sugnaa, ayaa sheegay inay dalka yimaaddeen khubaro u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay inuu wareejin doono Maayarka Hargeysa si ay u bilaabaan qaabka loo qurxinayo Hargeysa.

Hargeysa1Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde waxa kale oo uu sheegay dalka dibaddiisa laga dalbaday dhir kala duwan oo lagu beeri doono shaaracyada caasimadda, isla markaana ay socdaan dhirtii loogu talo galay in lagu beero gudaha Hargeysa.

“Waxa dalka soo gaadhay Injineero Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxinayo caasimadda Hargeysa, waxaanan ku wareegin doonaa maayirka Hargeysa si ay shaqada u bilaabaan, dhirtii lagu beeri lahaana way soo socotaa oo dhowaan ayey imanaysaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Cali waran cadde waxa kale oo uu sheegay in shirkadaha Laydhadhka iyo kuwa telefoonadu ay ku hawlan yihiin sidii ay dhulka hoostiisa u marin lahaayeen xadhkaha ka laalaada jidadka magaalada hareerahooda, taas oo uu hore ugu amray inay u hawl-galaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa hore u iclaamiyey qorshe ay dawladaha hoose ee magaalooyinka dalku ku kobcinayaan bilicda iyo jidadka caasimadaha gobollada, iyada oo wakhtigan caasimadda Hargeysa ay ka socoto hawsha kor u qaadista bilicda caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET