“Khilaafku inta badan kama yimaaddo beelaha Reer Somaliland, Laakiin siyaasiyiinta ayaa waxoogaa damacoodu meelaha qaar iska jiidhaa”

Hargeysa (SLpost)- Salaadiinta iyo Waxgaradka Beelaha Habar Yoonis, ayaa soo dhaweeyey go’aankii Golaha Guurtidu maanta ka soo saareen Khilaaf garabbo mucaarid iyo muxaafad loo kala saftay u kala qaybiyey Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanay si gaar ah mahadnaq u jeediyeeen Madaxweynaha Somaliland oo ay kulamo gaar ah la qaateen.

suguleSalaadiinta iyo waxgaradka Beelaha HabarYoonis oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen inay si weyn ugu qanacsan yihiin xalka laga gaadhay khilaafka golaha Wakiillada, isla-markaana ay ku bogaadinayaan cid kasta oo ka qaybqaadatay sidii loo damin lahaa khilaafka Wakiillada oo sababay shaqaaqo khasaare nafeed sababay oo todobaadkii hore ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada Ammaanka iyo dadweyne taageersan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Waddani, kaas oo mudaneyaasha Mucaaradka ahi todobaadkii hore oo lagu waday inuu furmo kalfadhiga 26aad ee Wakiillada ay golaha keeneen mooshin xilka lagaga xayuubinayo guddoomiye Cabdiraxmaan.

Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa sheegay inay beel ahaan ula dhacsan yihiin go’aankaas isla markaana ay u mahad-naqayaan cid kasta oo ka qayb-qaadatay xalinta khilaafka, waxaanu yidhi, “Waxaanu shirkan u qabannay haddaanu nahay beesha Habar Yoonis mahad-naq aanu ka mahadcelinayno qaabkii loo Xaliyay arrintii ka taagnayd Golaha wakiilada, marka ugu horraysana waxaanu u mahadcelinaynaa Madaxweynaha Somaliland oo Guurtida mowqifkooda ku ayiday. Marka labaadna waxaanu u mahadcelinaynaa Golaha Guurtidu ilaa intii la aas-aasay waxa ay u taagnayeen in ay xaliyaan khilaafka kasta oo yimaadda, waxaanu sidoo kale u mahad-celinaynaa labadii garab ee Xildhibaanada oo iyaguna si fiican arrintaas u qaatay, ama markii Guurtidu soo dhexgashay u aqbalay. Wasiirrada Beeshayada kaga jira Xukuumadda oo ilaa maalintii khilaafkaasi bilaabmay mar aan fadhiisan rag iyo dumarna u taagnaa sidii ay Isfahan uga dhexdhalin lahaayeen Xukuumadda iyo Beesha. Dadka kale aan u mahadcelinayona waxa kamid ah ah Boqor Cismaan Buurmadow iyo Axmed Faarax Xarbi. Waxaanan leeyahay waajib bay Guteen, bulshadana waxan ku adkaynayaa inay Nabadda ilaashadaan, intaynu xamar dheernahayna waa Guurtida iyo Khilaafkeena oo aynu dhexdeena ku dhamaysano.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa dhankiisa ku dheeraaday qiimaha Nabadgelyada iyo wada-jirka Bulshadu leeyahay, waxana uu si gaar ah Baaq ugu diray Siyaasiyiinta Hanka leh oo uu faray inay is xaqdhawraan, danta guudna ka horeysiiyaan danahooda gaar ahaaneed, waxana uu yidhi, “Reer Somaliland waxan u sheegayaa Noloshu waa Nabadgelyada, guud ahaanna shacabka waxan ugu baaqayaa inay Nabadda ilaashadaan, waana ta aynu wax ku Noqonayno, Marka ay wax yimaadaana in sidaas maanta oo kale sulux lagu dhameeyo oo laga ilaaliyo yaac iyo cunfi.”

“Siyaasiyiintana waxan leeyahay khilaafku inta badan kama yimaaddo beelaha Reer Somaliland meelkastaba ha joogaane, Laakiin siyaasiyiinta ayaa inta badan waxoogaa damacoodu meelaha qaar iska jiidhaa, waxaan ugu baaqayaa inay si fiican oo wanaagsan u tartamaan oo qaranka si fiican u hoggaamiyaan Dawlad iyo goleyaalba, iyaguna is xaq dhawraan inta horena wixii dhiman la dhamaystiro marka tartanku yimaaddana i fiican oo gobanimo ah loo tartamo. Siyaasiyiintana waxan u soo jeedinayaa inaanay isku fiirsan oo danta qaranka eegaan. Beelweynta Habaryoonisna waxaanu usoo jeedinaynaa inay dhinacooda meelkasta oo ay joogaan inay nabadda ilaaliyaan, khilaafkaasina halkaas ayuu ku dhamaaday,” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo shirka ka hadlay, ayaa mahad-naq guud ka dib shacabka ku adkeeyey inay u midoobaan danta guud isla markaana iska ilaaliyaan wax kasta oo tafaraaruq iyo kala-qaybsanaan ku keeni kara bulshada.

“Nabadgelyadu waa shay qaali ah waana waxa aynu ku nool-nahay khilaafkina waa dhamaaday. Qarankan Somaliland waa iskumid waana waxa aynu kusoo caano maalnay dhamaanteen, Nabad-gelyo, qaranimo iyo Walaalnimo wax inoo dhamaa ma jiraan ee aynu qarankeena ilaashano,” ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey.

Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good oo isaguna hadal kooban ka jeediyey madasha, ayaa yidhi, “Khilaafkii Golaha wakiilada somaliland iyo kii Xamar marka ay isku Mar bilaabmeen waan naxay, marna waan farxay oo maanta marka uu khilaafkeeni soo dhamaaday, shacabka Somaliland meel kasta oo uu joogo waxaan farayaa Midnimada Iyo Jiritaanka Somaliland halaga Shaqeeyo, Nidaamka aynu ku socono Siyaasiyiinta waxaan leeyahay Caabuqa ka daaya, sidan Lagu gaadhi maayo ictiraafe.”

Ugaas Xuseen Geelle Abokor, Suldaan Mahad Maxamed Xirsi, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan iyo Suldaan Cali Cumar oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa la wadaagay Salaadiinta kale hambalyada iyo Boqaadinta go’aanka Guurtidu soo saaray iyo mahadnaqa ay u jeediyeen madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxammuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen inuu si odaytinimo ah uga hawl-galay sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafkii jiray.

SOMALILANDPOST.NET