Khilaafkii Xisbiga Ucid Oo La Dhameeyay iyo Musuuliyiinta Xisbigaas Oo Maanta Wadajir U Shaqeeyay

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal ayaa saaka si rasmi ah xafiiska guud ee xisbiga Ucid uga soo xaadiray iyaga oo bilaabay hawlmaalmeedkii xisbiga iyo qorshaha safar loogu baxaayo gobalada bariga Somaliland.

Labadan masuul ayaa uu mudooyinkii ugu danbeeyay dhex yaalay xilaaf ragaadiyay hawlahii xisbigaas, kaasi oo ka dhashay kadib markii gudoomiyahu uu sheegay in wakhtigan loo baahan yahay in musharaxa iyo ku xigeenka xisbigaas dib loo eego, hadalkaas oo si weyn ay uga biyo diideen musharaxa xisbiga iyo ku xigeenkiisa, waxaan intii khilaafkaas lagu gudo jiray is casilay musharax ku xigeenkii xisbigaas Cabdirashiid Xasan Mataan.

Mushraxa xisbigaas ee la shaaciyay Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu u muuqday mid doonaya inuu iska difaaco rabitaanka gudoomiyaha xisbigaas Faysal Cali Waraabe, waxase warar soo baxayay ay sheegayaan in gudidii dhexdhexaadinta ee xisbigaasi ay dhamaysay khilaafkii masuulyiinta xisbigaas kala irdheeyay.