Khilaafkii Golaha Wakiillada oo la Xaliyey, Nuxurka Go’aamo Guurtidu ka soo saareen iyo qaabilaaddii labada dhinac

Khilaafkii Golaha Wakiillada oo la Xaliyey, Nuxurka Go’aamo Guurtidu ka soo saareen iyo qaabilaaddii labada dhinacHargeysa (SLpost)- Kulan wada-jir ah oo maanta Aqalka Golaha Guurtida ay ku yeesheen laba Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa lagu soo afjaray khilaaf laba garab u kala qaybiyey Golaha Wakiillada Somaliland oo mucaarad iyo Muxaafad u kala fadhiistay, ka dib markii khilaafyo sharci ka soo dhex-baxeen kalfadhiga 26aad ee Golaha oo Furmi lahaa Sabtidii todobaadkii hore, balse loo hakiyey ka dib markii mudaneyaasha muxaafidku golaha keeneen mooshin xilka lagaga qaadayo guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray xalinta khilaafkan, ayaa kulanka maanta ka shaaciyey go’aamada ay ka gaadheen arrintan, ka dib markii ay todobaadkii hore dhegaysteen doodda labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiyaha Wakiillada oo dhinac ah iyo labadiisa guddoomiye ku-xigeen, kuwaas oo markii go’aamada loo akhriyey sheegay inay aqbaleen soo-jeedinta labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO GO’AANKA